Maamulka Ximan iyo Xeeb oo doortey Madaxweyne Cusub

64

Cabdulahi Cali Maxamed kadiye (Baarleex) ayaa ku guulaystay xilka madaxtinimada maamulka Ximan iyo xeeb ka dib doorasho ka dhacdey xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ee degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

ximanIyoXeeb

madaxwaynaha cusub ee maamulka Ximan iyo xeeb Cabdulahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa  helay tirada codkii ugu badneyd ee barlamaankii maamulka Ximan iyo Xeeb oo gaaraayey ilaa 23 xubnood. Baarleex ayaa helay 20 ka mid ah 23kii xubnood ee uu ka kooban yahay maamulka ximan iyo Xeeb. halka musharaxii la tartamaayey oo ahaa madaxweynihii  maamulkaas uu helay 3 cod oo kaliya

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Faarax Sandheere ayaa natiijada ku dhawaaqay,  waxaana hadda loo codaynayaa madaxwayne ku xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb.

Idale News Online

 

You might also like More from author

Comments are closed.