Dowlada Itoobiya oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Madaxweynaha Masar Mohamed Morsi ee Wabiga Nile

97

Afhayeenka Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Dalka Ethiopia Getachew Reda oo shallay warbaahinta kula hadlaayey qasriga looga taliyo dalka Ethiopia ayaa si adag uga Jawaabay hadal dorraad ka soo baxay Madaxweynaha dalka Masar oo ahaa in Masar ay tallaabo Militery kaga Jawaabi karto haddii Ethiopia xirato biyaha qulqulaya webiga Nile ee isku xira dalalka Ethiopia,Sudan ilaa Masar.

itobiya

Madaxweynaha Dalka Masar Maxamed Mursi ayaa hadalkiisa waxaa ka mid ahaa “Waxaa Masar iyo xukuumadayda ka go’an inaanu qaadan doono tallaabo kasta haddii dhibic ka mid ah biyaha webiga Nile laga joojiyo, Webiga Nile waa nolosha Masar, dhibic kasta oo la joojiyaana wuxuu la mid yahay dhibic dhiiga masar ah oo diyaar u ah inay u daadato, miiskana waxaa noo yaalla tallaabo kasta oo furan oo aanu ku difaacayno” ayuu yiri Mr. Mursi.

Mr. Mursi hadalkiisa ayaa ka danbeeyey ka dib dhawaan markii Telefishanka dalka Masar uu sii daayey muuqaalo toos ah oo ku saabsana Madaxweyne Mursi oo golahiisa wasiiradda iyo xubnaha siyaasiyiinta dalka Masar tallo ka weydiinaya arrinta Webiga Nile ee dalka Ethiopia Dhaamka weyn uga leexinayso biyaha, kulankaasi ayaa madaxdii ka soo qayb gashay qaar ka mid ahi ku talinayeen in la weeraro Ethiopia, iyo in la hubeeyo kooxaha mucaaridka ku ah dalka Ethiopia.

Haddaba Afhayeenka Xafiiska Ra’isal Wasaaraha dalka Ethiopia Getachew Reda oo isagu shallay gelinkii danbe Warfidiyeenadda kula hadlaayey qasriga looga taliyo dalka Ethiopia ee Magaalada Addis Ababa ayaa hadalka Morsi ku tilmaamay mid uu iska yiri wuxuuna sheegay in aanay Ethiopia joojinayn wax kasta oo ay ku qaadato inay dhisto dhaamkaasi oo uu sheegay inay ka soo gallayso dalka Ethiopia sannadkii Faa’iido dakhliyeed oo dhan 4.7 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah “Waxaan idiin sheegaya in henjabaad raqiis ah aanay dhaamkani joojin doonin, Ethiopia way taqaana siday ula dhaqanto henjabaado afka laga yiri oo iska madhan oo sidaasi oo kale ah, waxaanu xasuusinayna Mr. Morsi inay Ethiopia leedahay taariikh ay barto cadaw kasta oo ku soo gardarooda casharo lama iloobaan ah” ayuu yiri Mr. Getachew Reda

“Cilmi saynis kasta iyo xeer caalami oo naga hor istaagaya inaanu ka faa’iidaysano biyaha ilaahay na siiyey ma jirto, mana aha caqli inay dadka Ethiopia faqri ka ahaadaan kheyraadka dalkooda, Dhaamkaasi hawshiisu way soconaysa dhibic kasta oo halka maraysaana waxaa ay la mid tahay dhibic kasta oo dhiiga dadka  Ethiopia ah” ayuu yiri Getachew Reda

Marka laga yimaado hadalada dhinaca afka ah ee sida kulul la isku weydaarsaday, waxaa magaalada  Addis Ababa shallay gaaray wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Masar Maxamuud Kaamil Caamir oo kulan kula leh magaalada Addis ababa dhigiisa dalka Ethiopia Dr. Tedros  Adhanam waxaana wararku sheegayaan in labada dal ay isku dayayaan in ay wada hadal ka gallaan laguna xalliyo arrinta wada hadal.

You might also like More from author

Comments are closed.