Barlamaanka Kenya oo ku adkeysanaaya go’aanka dhaqaalaha loogu kordhinaayo

uuu

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah barlamanka Kenya ayaa difaacay Go’aanka ay ku doonayaan inay ku kordhistaan Mushaaraadka ay qaateen oo hada gaaraya 4-kun oo dollar.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in ay doonayaan in lacagta ay qaadanayaan bishii ee Musharaaka ay ka dhigtaan 10-kun oo dollar si ay u heleen xuquuq ku filan.

Ilyaas Barre Shiil waxa uu sheegay in sababta ay kordhisanayaan lacagta ay tahay iyaga oo aan ku filneen mushaarka ay qaataan oo markii cashuur laga jaro uusan awoodeenin Xildhibaanka in wax badan oo kale uu qabsado sida in uu Guri iyo gaari helo.

Qaar ka mid ah Shacabka Kenya ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin xildhibaanada Barlamanka Kenya inay kordhistaan lacagta maadaama ay dad badan ku xiran yihiin halka kuwa kalana ay kasoo horjeesteen oo ay sheegeen in barlamanka uu cusub yahay oo aan loo baahneen inay talaabadaasi ku deg degaan.

Idale News Muqdisho

Comments are closed.