Labo wiil oo Soomaali ah oo Baangado nafta looga jarey Gobolka Limpopa ee Wadanka Koonfur Afrika.

72

Waxaa xalay fiidkii lagu dilay Wadanka South Africa labo wiil oo soomaali ah   wiilasha la dilay ayaa lagu soo waramayaa in ay soo weerareen koox tuugo south african ah oo  ku hubeysan baangado iyo tuuriyo  ka dibna halkaas ay ku jarjareen baangad  labadi labadii wiil ee kusugnaa  halkaas.

Warsidaha Idale News Online ee ku sugan wadanka south africa ayaa khadka telefanka kula xidhiidhay dadka ku nool magaalada uu dilka ka dhacey ee Gobolka Limpopo ayaa noo xaqiijiyay dilka labadan wiil ee soomalida ah  Sidoo kale Gudomiyaha ayaa ku sheegay magacyada labada wiil  Maxamed Xasan iyo C/salaan  Nuur oo u sheegay in si xun loo dilay lana goo gooyay  jidhkooda Waxaa baryahan dambe soo badanayay dilka loo geeysanayo Qaxootiga soomalida ee ku nool Wadankan south africa .

Sidoo kale waxaa maanta loo balansanyahay Mudaaharaad lagaga soo horjeedo tacadiyada loo geeysanayo  Dadka soomaalida ah ee ku dhaqan wadankan  South Africa oo ka dhacaya Aqalka  Baarlamanka  oo ku yaala Magaalada Cape Town   ee isla wadanka South Africa     ayadoo ay jiraan maanta mudaaharaadyo kale  oo lagu mudaaharaadayo Safaarada South Africa ay ku leedahay qaar kamid ah wadamada ree galbeedka

 

Idale News ONline

You might also like More from author

Comments are closed.