Faalo: Muranka Wadamada Masar iyo Ethiopia ee Wabiga Nile oo laga cabsi qabo in Somalia loo soo xawilo + Daawo

75

Bilihii ugu danbeyay Waxaa meeshi ugu saraysay maraya  dagaalka biyaha ee uu dhexeya wadamada Itobiya iyo Masar kaas oo ku qotoma sida lo kala badsanayo biyaha uu keeno wabiga Nile.

Xisadan u dhexaysa  Masar iyo  Itobiya ayaa  in mudo ah soo tagnayd  waxaase kor u sii qaday  xiisada  ka dib marki wadanka Itobiya uu wabiga Nile ka samaystay biyo Xireen aad u balaraan ( DAM).


Masaar ayaa waxaay aminsantahay hadi uu dhaqan galo biya xireenkaasi balaraan ee  laga samaynaayo  wadanka Itobiya  in  biyihii wabiga  Nile ee soo gaari jiray Masar ay labo qaybood qayb  in aysan  sooo gareen  waxaana  biyo la,an daran  ay soo wajahaysa  dad lagu qiyaasay 2.5 Milyan Masaari ah oo ayagu  ku noola biyahaasi.

Dowlada Masar oo ayadu  ah wadanka ugu danbeeya ee uu soo gaaro wabiga Nile ayaa  waxaay  saamiga wabigaasi ku leedahay  Awooda ugu badan  ayado heshiis la saxiixay 1950 meyaadi uu dhigayo in Wadanka Masar uu Isticmaalo biyaha ugu badan ee Wabiga Nile.

Dowlada Itobiya  ayaa war ay soo sartay ku sheegtay in ay jabinayso heshiiski 50 maadki la galay ee  Awooda badan sinayay Wadanka Masar waxayna sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid gumaysi ah oo aan hada sii socon karin  waxaana  hadalkaasi si weyn  uga caroday masar oo ayadu wali ku adkaysanaysa in aan lama taabtaan u yahay heshiiskaasi.

Isku daayo la donayay in labada wadan lagu dhex dhaxaadiyo ayaa waxaay ku soo dhamdeen Fashil ayado dhinac walba uu ka soo dagi wayay meeshi uu tagnaa .

Ismari wagaan ayaa waxaa uu sababay in Dowlada Masar ay go,an ku qadato in ay dagaal ka xigto biyaha wabiga Nile oo laga yareeyo saamigii ay ku lahayd waxaana Wasaarada Gaashandhiga wadanka Masar ay bilowday isku diyaarin dagaal ka dhan ah wadanka Itobiya .

Wadanka Masar oo aan xaduud la lahayn  Itobiya ayaa waxaa kaliyah oo u furaan in uu ku weeraro diyaaro  ayado aysan itobiya  xata lahayn bad laga weeraro.

Wasaarada Gaashandhiga Masar ayaa waxaay kentay Qorshe  Ciidamada Somalia logu adegsanayo  in Masar ay ku difaacato qaybta ay ku lahayn wabiga Nile  waxaana Masaar Qalab kala duwan oo milatary ay gaysay Somalia  bilihii ugu danbeyay  usbucaan ayaa waxaa sido  kala magaalada Muqdisho tagay Ganaraalo Masaari ah oo ka socday wasaarada gaashandhiga masar iyo Tababareyaal Ciidan  kuwas oo Ciidamada Somalia bari doona qaabka lo isticmaalo hubka  xogan ee ay masar Somalia kentay.

Wadanka Itobiya  oo la socda dhaqdhaqaaqyada ay Masar ka wado Somalia ayaa waxaa ay ayaguna bilaaben Qorshe logo hortagayo in Ciidamada Somalia oo isku duuban lo adegsado in lagula dagaalo Itobiya waxaayna  kulamo kala duwan Deeganada dhaca Xaduudaha somalia iyo Itobiya kula yeesheen Sarakiil ka tirsan Ciidamada Xogga Somalia iyo Maamulada Deeganadaasi.

Sido kale Dowlada Itobiya ayaa waxaa qorshaynaysaa in Wafdi balaraan oo ka kooban Saraakiil Ciidan oo Itobiyaan ah in ay u kala dirto Magaaloyinka Kismaayo Garoowe iyo Hargaysa waxaana arinkaasi ay  Itobiya uga  goledahay in Masar aysan Ciidamada Somalia u adegsan Burburinta Itobiya.

Eng Maxamed Cabdi Xasan oo ah Aqonyahan Somaliyeed oo ku nool Wadanka Masar ayaa waxaa uu sheegay in Dowladaha Masar iyo Itobiya uu dagaalkoodu ka dhici doono Somalia  waxaa uu sheegay in labada wadan ay dagaalkooda u xawileen Somalia waxana  uu edeyn u jeediyay Dowlada Masar oo uu ku sheegay in Xili Somalia ay ka soo kabsan rabto dhibaatadi haysa 20 sano ay manta dagaal cusub galin rabto.

Eng Maxamed Cabdi waxaa uu yiri Wafdiga ka socda Wasaarada Gaashandhiga Masar  waxaa uu somalia tagay xili aan lo bahnayn oo ay jirto xisaad labo wadan  waxaayna  wafdigaani iyo kulamada ay muqdisho ku leyihiin ka dhigan tahay  Abaabul dagaal oo ka dhan ah Itobiya.

Eng Maxamed ayaa waxaa uu sido kale Itobiya ku dhaliilay  sida ay uga baxday heshiis caalami ah  islamarkana ay rabto in ay  biya la,an ku dhigto  Malayiin Masaari ah.

Isku  soo wada duubo Wadanka Somalia oo mudo 20 sano ah burbursana rajo yarna ay ka soo Muqatay ayaa waxaa hada laga cabsi qaban in ay ku dagalaman labada wadan ee ugu ciidanka Badan Qarada Africa.

Ethiopia diverts blue Nile disputed Dam

W/D: Osman Nur  Geddi

Qahira-Masar

You might also like More from author

Comments are closed.