Dibadabax Musharaxnimada R/Wasaare Abdiweli Ali Gaas lagu taageeraayo oo Gaalkacyo ka dhacey

48

Isu soo bax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada, masuuliyiinta Gobalka, Salaadiinta Dhaqanka iyo Siyaasiyiinka ka tirsan Maamulada Puntland & Galmudug ee ka wada arimiya ayaa ka dhacey magaalada Gaalkacyo. Dibad baxayaasha ayaa socod ku soo maray wadooyinka waaween ee Magaalada Galkacyo.

Gaadiid aad u fara badan oo lagu soo xardhay Sawirka iyo hal-kudhagyo muujinaya kartida Professor Abdiweli Ali Gaas ayey lulayeen dadweynihii iyo masuuliyiintii dibax baxaasi ka soo qeyb gashey.

Banaabaxaasi taageerada loogu muujinaayey Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa waxaa uu ka biloowday agagaarka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo iyadoo markii dambana la isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale ee magaalada Gaalkacyo. Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Ee Puntland Maxamed Yuusuf Cali Gaagaab oo ka hadlay banaan-baxaasi ayaa sheegay in ay taageersan yihiin musharaxnimada Ra’isul Wasaare Gaas, sheegayna in uu shaqsi wadani ah,  lehna karti, aqoon, hoggaan ay dadka Soomaalida ku soo diirsan doonaan.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxmuud Yuusuf Jaamac oo hadal ka jeediyey ayaa isna ka hadley aqoon uu u leeyahay Musharax Abdiweli, kana codsadey shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan si loo helo hanaan Somalia ay uga bixi karto fowdada iyo musuqmaasuqa hareerey Somalia. Aqoontiisa dhaqaale-yahani u suurtogalineyso inuu wax badan ka qabto arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaad, shaqooyinka iyo weliba isla xisaabtanka. waxuuna ugu dambeyntii u rajeeyey guul.

Suldaan Maxamed Xasan Xaaji Cali oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee Puntland ayaa isaguna la hadlay Boqolaalkii qofood ee isugu yimid fagaaraha Cawaale Stadium ee Gaalkacyo waxa uuna codkiisa beeriyey taageerida loo haayo Murashaxnimada C/wali Cali Gaas.

20ka Bishan aynu ku jirno ee August ayaa la wada sugayaa inay Soomaaliya ka gudubto marxlada Ku meel gaarka ah waxaana gudaha dalka iyo dibadiisaba ka soconaya abaabulo kala duwan oo ay wadaan musharaxiinta doonaya xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Prof.  C/wali Maxamed Cali oo ah musharaxiinta ugu cad cad ee la filaayo in ay tartanka Madaxtinimada Somalia ku soo baxaan, isla markaasna taageero caalami iyo mid gudaha haysta marka la barbardhiga  musharaxiinta kale ee tartameysa ayaa ah aqoonyahan in  muddo ah ku noolaa dalka Maraykanka. Hase ahaatee tan iyo markii saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya soo galey soo bandhigey isbedel  dhinacyo badan leh oo ay ugu horeyso amaanka magaalada caasimada ee Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobalada dalka iyo sidoo kale arrimaha bulshada, musuqmaasuqa iyo bilowga dowlad wanaagga ee Soomaaliya mustaqbalka higsaneyso.

Xafiiska Warqabadka Idalenews Mogadishu
Waxaa qoray
Siyad Macalin Axmed
email: siyad_macalin@hotmail.com

 

You might also like More from author

Comments are closed.