Dalka Yemen oo codsadey in laga daadgureeyo qaxootiga Soomaaliyeed

Dowladda dalka Yemen ayaa ka codsatay beesha caalamka in laga raro ilaa 700 oo kun Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaas oo kusugan dalkeeda mudo ka badan 21 sano.

Dr. Cali Muthana Xasan oo ah Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada dowlada Yemen sidoo kalena ah  gadoomiyaha gudiga qaxootiga Yemen ayaa waxa uu sheegay asagoo la hadlayay qaarka mid ah warbaahinta dalkiisa in Yemen ay dhibaato farabadan ku qabto qaxootiga Soomaaliyeed ee  kusugan halkaas.

Dr xassan ayaa ku eedeeyay beesha caalamka in ay  iska indha tirtay wax u qabashada qaxootiga Somaliyeed eek u sugan dalkiisa, isagoo intaas ku sii daray  in aysan Yemen awoodin in eey waxa uqabato qaxootigaas Soomaaliyeed ee halkaas kusugan.

Wasiir ku xigeenka ayaa waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay gacan kasiiyaan dowlada Yemen  sidii looga rari lahaa qaxootigaas Soomaaliyeed dalkiisa kuwaas oo ku  sugnaa halkaas mudo 21 sano ah.

Dalka Yemen oo ah dal ay ku noolyihiin qaxootiga Soomaaliyeed oo aad u badan aya  maalin walba waxaa gaara Qaxooti  horleh kuwaas oo  raadinaya nolol ka roon mida ay dalkooda ku heystaan.

waa  markii ugu horeeysay oo ay Dowlada Yemen ka codsato beesha caalam in ay gacan laga siiyo sidii looga daadgureyn lahaa dalkeeda  qaxootiga Soomaalidaba.

Idale News ONline

Comments are closed.