Prof Abdirisaaq Juriile oo la sheegayo inuu jagada Gudoomiyaha Barlamaanka u tartamaayo.

61

Warar hoose oo hordhac ah oo aan weli soo shaac bixin ayaa sheegaya in masuuliyiinta sare ee dowladda ay dhaqaale ku bixinayaan shaqsigii noqon lahaa gudoomiyaha barlamaanka Somalia.

Madaxweyne shariif Sheikh Axmed oo si hoose loogu xaglinaya inuu wato nin ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo lagu magacaabo Jawaari oo dowladii Maxamed Siyaad Barre ka soo noqdey wasiir, kana mid ahaa guddigii loo xilsaarey diyaarinta Dastuurka cusub ee Somalia yeelaneyso.

Dhanka Kale waxaa jirta in Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan & Madaxweyne Faroole ay si wadajir ah dhaqaale ugu bixinayaan shaqsi ka soo jeedo Beelaha Hawiye oo lagu magacaabo Mustaf Dhuxulow in uu noqdo guddoomiyaha, halka warar kalena sheegaan shaqsi aan la shaacin magaciisa balse ka soo jeeda in beesha Abgaal ee Madaxweynaha ka dhashey in ay la rabaan jagadaas.

Shariif Xasan Sheikh Aadan oo isna si gooni ah u wata Plan B  ayaa la sheegayaa in Prof Abdirisaaq Jurille oo ay saxiib dhow yihiin ku maalgalinaaya inuu noqdo Gudoomiyaha Barlamaanka.

Haddaba, waxaa la filayaa maalmaha fooda nagu soo haysa in siyaasada Soomaalida uu is-badal xoogan ku yimaado, waxaa 20-kii sano ee qala’laasaha tartanka Madaxweynenimo uu ahaa mid dhaxeyn jiray beelaha Daarood iyo Hawiye iyadoo taasi haatan u muuqata in uu isbadal ku imaan karo waa haddii dhaqaale faro badan la isu adeegsado. Waxaana laga yaabaa in Beesha Direed ay hesho jagada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama aysan ku jirin jalaafada beelaha kale isla maagan yihiin, isla markaasna ay sii socoto kala iibsiga kuraasta xildhibaanada. Digil & Mirifle ama Beesha Daarood midkood ayaa loo yaabo sanadkaan iney waayaan xilalka sare ee dowlada haddii xaalka siyaasadeed uu sidaas ku sii socdo.

Prof Jurille ayaan la gamban inuu yahay musharax guddoomiyaha barlamaanka. Waana markii ugu horeysay ay tahay ee uu shaaciyo Prof: Cabdirisaaq Cismaan Jurile in uu u taagan yahay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa in siyaasi ka soo jeeda Beelaha Daarood uu xilkaasi usoo istaago.

Prof: Jurile  oo aan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin musharaxnimadiisa xilka gudoonka barlamanka balse la hubo inuu ka mid yahay xildhibaanada cusub ee Barlamaanka ayaa sheegey inuu hami kaga jiro inuu u tartamo jagadaas sababo uu ku micneeyey in ay  dhiiro gelin u tahay beelaha Digil & Mirifle ama Beesha 5aad in ay doorkaan  helaan Xilka Madaxweynaha Somalia, isla markaasna beelaha kale ee direed iyo beesha 5aad helaan xilka Ra’iisula Wasaaraha Soomaaliya, taasoo ah riyo  ay adag tahay in la saadaaliyo maadaama is jiidjiidka iyo kala iibsiga xildhibaanada cusub gaareen halkii ugu sareysey ebed, la arki doono marka la gaaro doorashada gudoomiyaha halka siyaasadda dalka isugu biyo shubato.

Xafiiska Warqabadka Idalenews Mogadishu
Waxaa qoray
Siyad Macalin Axmed
email: siyad_macalin@hotmail.com

 

You might also like More from author

Comments are closed.