Jaaliyada Digil & Mirifle ee Melbourne, Australia oo deeq kala duwan gaarsiiyey Istibaalka Guud ee Magaalada Baydhabo + Sawiro+Dhageysi

Xaflad balaaran oo ka dhacdey cisbitaalka guud ee magaalada Baydhaba isla markaasina lagula kala wareegaayey deeq isugu jirta qalab kala duwan iyo mid lacageed looguna talo galey in ay wax ka qabata baahida Istibaalka iyo  bukaanka ku jira Isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo ayaa lagu qabtey gudaha Istibaalka Baydhabo.


Deeqdaas wax ku oolka ah waxaa isbitaalka Baydhabo soo gaarsiiyey mid ka mid ah Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Melbourne ee dalka Australia oo lagu magacaabo Eedin Geeley oo isagu booqasho gaaban ku tagey Gobolka Bay.

Dr. Aweys Sheikh Mohedin oo ka mid ah madaxda iyo shaqsiyaadka ugu firfircoon Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Melbourne, Australia  ayaa isagoo ku sugan Melbourne sheegey  in deeqaani ay ka timid Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Melbourne isla markaasina aysan aheyn tii ugu horeysey ama ugu dambeysey ee ay jaaliyadu ugu deeqdo dadka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, hase ahaatee Jaaliyadoodu markasta u taagan tahay sidii loo horumarin lahaa waxna looga qaban lahaa guud ahaan baahida dadka iyo deegaanada  Digil iyo Mirifle. Waxuuna carabka ku dhuftay in deeqdaan mid la mid ah ay horey dalka u gaarsiiyeen isla markaasna ay sii wadi doonaan kaalmo intaas ka badan oo la gaarsiiyo dalka iyo dadka u baahan.Sidoo kale waxaa  xafladii guddoonsiinta deeqdaan kala duwan ka hadley Agaasimaha Isbitalka Baydhabo iyo Madaxa Shaqaalaha Cisbitaalka weyn ee Baydhabo, oo labaduba u mahad celiyey  Gudoomiyaha Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Magaalada Melbourne, Australia Mudane Dr. Aweys Sheikh Muhiyadiin oo isuga si gaar ah ugu deeqay in la siiyo shaqaalaha iyo bukaanka isbitaalka dhaqaale ama maaliyad gaareysa  qiyaastii 20 Milyan oo Shilin Soomaaliga kuwaasoo loo qeybshay shaqaalaha Isbtiaalka iyo bukaanka ku jira Cisbitaalka Baydhabo.  Gudoomiyaha Cisbitaalka Baydhaba ayaa si la mid ah mahadnaq u jeediyey dhamaan Jaaliyada Digil iyo Mirifle doorkooda ku aadan taakuleynta joogtada ah ee ay dadkooda u fidiyaan, waxuuna sheegay in deeqda maanta  la soo gaarsiiyey ay wax badan ka tari doono baahidii jirtey, isla markaasna nolosha bukaanka Istibaalkaiyo niyada shaqaalaha ka howl gala cisbitaalka guud ee magaalada Baydhabo sare u qaadi doonta.Idale News Online Baydhabo

Comments are closed.