Ambassador Mahiga oo dib ugu noqonaayo New York, Wareysi lala yeeshayna ku sheegey arrimo dhowr ah….

54

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augsutine Mahiga oo xilka ka degaya maalinta Isniinta oo ay bisha ku beegan tahay 3-da bisha June ayaa waraysigiisii u dambeeyay wuuxuu siiyay Idaacadda VOA ee dalka Maraykanka.

Waxa uu Mahiga ku kashifay wareysiga waxyaabo badan oo quseeyay siyaasadda Somalia oo aysan dad badan ka warheyn

Dajire Mahiga wuxuu faa-faahin ka bixiyay wax yaabaha u qabsoomay tan iyo markii xilkaas loo magacaabay 9-kii June sannadkii 2009-ka, gaar ahaan doorkii uu ka ciyaaray kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya, dhammaynta xilliga kala-guurka iyo xallinta khilaafaadka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in uu wax badan qabtay tan iyo markii xilka uu la wareegay, wax yaabaha ugu waaweyn ee uu qabtay wuxuu ku tilmaamay in ay ahaayeen dhammeestirka kala guurka ee dalka Soomaaliya.

Mahiga ayaa dowladda iyo dadka Soomaaliya ka digay in ay in ay isku diyaariyaan siddii ay ammaankooda ay ula wareegi lahaayeen.

“Dadka iyo dowladda Soomaalida waxaan u sheegayaa in ay isku diyaariyaan in ay ammaanka dalka ay la wareegaan, xilli kasta ayaa la oran karaa in ciidamada AMISOM ka soo baxa Soomaaliya,mar waa in la helaa ciidamo xooggan arrintaasna laga shaqeeyo” ayuu yiri Mahiga.

Waxaa la weydiiyay caqabadihii ugu waa weynaa ee soo wajahay intii uu xilka hayay?

“Dhowr caqabado ayaa ila soo darsay, waxaa ka mid ahaa siddii la isku soo dhaweyn lahaa dhinacyadii ka qaybgalay soo afjarida xilligii ku-meel-gaarka oo soo billowday sannadkii 2004-tii, xilligaas waxaan isku keenay dowladda oo labo dhinac kala ahaa. waayo golaha sharci dajinta iyo mida fulinta labo ayey kala ahaayeen, waxaa kaloo lagu soo daray wadahadalada maamulka Puntland oo shirarkii Jabuuti, waxaa kaloo lagu soo daray maamulka Galmudug oo dad badan ay aaminsanaayeen in uusan ahayn maamul jiray iyo Ahlu Sunna oo ahaa ayuu yiri maleeshi aan wax siyaasad lahayn, balse la dagaalay Al-Shabaab” ayuu yiri Danjire Mahiga

Dajire Mahiga ayaa dib ugu laabanaya magaalada New York waxaana uu Dhexdhexaadiye sare ka noqon doonaa Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay.

Danjire Mahiga iyo xafiiskii uu madaxda ka ahaa ee UNPOS waxaa beddeli doonaa Xafiiska United Nations Somalia Mission (UNSOM) oo uu madax ka noqon doono Nicholas Kay oo u dhashay dalka Biritan.

Ugu dambeen diplomaasigan u dhashay dalka Tanzania ayaa sheegay inuu ku laaban doono xarunta QM ee New York kadibna uu qoraal iyo dokumentiyo ka samayn doono hawsha uu la qabtay Soomaalida ee dhamaysrtirka kala-guurka iyo xalinta khilaafaadka si ay uga faa’idaystaan Soomaalida iyo Qaramada Midoobay.

Idale News Online Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.