Kulan hordhac ah oo Madaxweynaha Somaliaiyo wafdigiisa la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Japan + Sawiro

51

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe, kulankan oo ka dhacay magaalada Yokohama iyadoo isla maantana uu dhici doono Shirkii Soomaaliya oo ay labada mas’uul wada shir-guddoominayaan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo gaaray Yokohama maalintii shalay si ay ugu qeybgalaan Shirka Qaaska ah ee Soomaaliya oo maanta oo ah 31ka May ka dhici doono Yokohama, Japan iyo inay ka qeybgalaan Shirkii 5aad ee Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika oo dhacaya 1da Juun ilaa iyo 3da Juun 2013.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Japan doorkiisa hoggaamineed ee uu shirka Soomaaliya ugu qabanayo dalkiisa iyo sida aan kala go’alaheyn ee dowladda Japan u saacido shacabka Soomaaliyeed.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay cilaaqaadka labada dal, horumarka amniga iyo siyaasadda ee Soomaaliya iyo dib-u-dhiska Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadeyso kaalmada dhanka horumarinta, xasiloonida, iyo barwaaqada Soomaaliya oo uu sheegay inay muhiim tahay.

Labada mas’uul ayaa ku heshiiyey in xiriirka labada dal la sii xoojiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay sida deg-deggga ah ee loogu baahanyahay in hay’adihii dowliga ahaa la horumariyo waxuuna yiri “Waxaan sameynay horumar dhanka amniga iyo siyaasadda ah, hase ahaatee caqabado fara badan baa sii jir,. Bacdamaa uu dalkayagu uu u gudbayo marxalad ka soo kabasho iyo horumar, dhalinyarada Soomaaliyeed waxey si deg-deg ah ugu baahanyihiin in xirfadahooda shaqo la dhiso eek u wajahan dhanka beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo adeegyada waxbarashada.

Waxaan codsanayaa kaalmada Japan inay dhankaan ku wajahdo iyo kaalmo ku wajahan sidii dib loogu dhisi lahaa waddooyinka, dekedaha, garoonadda diyaaradaha, Kanaalada biyaha iyo kaalmo dhanka amniga ah.”

Madaxweynaha Soomaaliya waxuu yiri “ Soomaaliya waxey maanta galeysaa waji cusub oo u baahan in beesha caalamku ay u wajahaan si cusub oo lagu caawinayo kordhinta tayada shaqaalaha oo u ah lafdhabar ka soo kabashada iyo horumarka aan hiigsaneyno.”Waxaa jira rajo weyn oo dib loogu dhisayo dalka, laakin Soomaalida kaligeed ma sameyn karto.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe sida uu dib ugu soo nooleeyey xiriirka labada dal 22 sano ka dib iyo kaalmada horumarineed ee ay Japan siineyso Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa maanta wada shir-guddoomin doono Shirka Soomaaliya, Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxey ka qeyb gali doonaan Shirka Tokyo ee Caalamiga ah ee horumarinta Africa (TICAD V) oo ka dhacaya Yokohama 1da June ilaa iyo 3da June 2013.

– DHAMAAD –


 


Idale News Online Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.