Dhageyso: Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisey in Kenya iyo Itoobiya loo qabtey 48 saacadood in ay dalka Somalia isaga baxaan

51

Warbaahinta Somalida Qaarkood ayaa maanta qoreen ama Baahiyeen  War sheegaya Dowladda Soomaaliya inay ku amartay Ciidamadda Kenya iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya inay uga baxaan dalka mudo 48 saac gudahood ah.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir kana mid ah la taliyaasha Khaaska ah ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Idale News warkaasi inuu yahay mid been abuur ah oo sal iyo raad toona lahayn isla markaana uusan kasoo bixin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Faarax C/qaadir ayaa sheegay Dowladda Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya inay Xiriir wanaagsan oo dhanka wada shaqaynta ah ay leeyihiin isla markaana aysan macquul ahayn warkaasi inay ku hadashu dowladdu.

Halkaan ka dhageyso [audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/Faarax-Sheekh-Cabdulqaadir-.mp3]

“Warkaasi wa war Been abuur ah oo waxba ka jirin, warbaahinta afka dowladda ku hadash oo sheegtayna ma jirto , Warbaahinta iyo Website yada qoray warkaasina maaha kuwa ka turjumaya Rayiga dowladda” ayuu yiri Faarax C/qaadir.

Dhinaca kale Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Sheekh  C/qaadir  ayaa sheegay inay ku raadjoogaan halka uu warkaasi ka yimid, wuxuuna tibaaxay in ay sharciga la tiigsan doonaan dadkii ka danbeeyay dacaayadaasi.

Maanta ayaa qaar kamid ah idaacadaha Muqdisho waxa ay baahiyeen in Xassan Sheekh Maxamuud, madaxweyhana Soomaaliya uu amar ku bixiyay in 48-saac gudahood ay dalka uga baxaan ciidamada Kenya iyo Ethiopia.

Wariye Maxamuud Carab ayuu Khadka Telefoonka ugu Waramay, waxaana uu ugu horayn waydiiyay Wasiirka bal inuu faah faahin ka bixiyo Wararka sheegaya in dowladu Ciidamada Kenya iyo Ethiopia ku amartay inay dalka iskaga baxaan.

 

Idale News ONline Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.