Daawo: Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Gaashaandhiga oo weli ku sugan airport Kismaayo loona diidey inay gudaha u galaan magaalada

82

Wafti balaaran oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray Garoonka Kismaayo ayaa loo diiday gudaha inay u galaan Magaalada Kismaayo, kadib markii ay Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo Ciidamadda Kenya ay ku amreen inaysan dhaafi karin Garoonka.

Waftiga ayaa waxaa horboodaya Wasiirka Difaaca Soomaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka Warfaafinta C/laahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada C/laahi Ebyan Nuur, iyo Saraakiil ka sooctay Midowga Africa ee AMISOM iyo Siyaasiyiin Somali ah.

Arintani ayaa lasoo sheegayaa inay Xiisad kasii dhex abuurtay Xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe Hogaamiyo ee Jubbaland.

Kismaayo ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay laga cabsi qabay inay ka dhacaan dagaalo u dhexeyay dhinacyada Siyaasada isku haya.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya oo goor danbe oo galabta ah hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday kismaayo waxa ka socday inaysan ahayn arin ay dowladdu ku qanacsantahay, isla markaana wuxuu hoosta ka xariiqay arimahaasi inay soo dadajin karaan Dagaal ka dhaca Kismaayo

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.