Daawo: Axmed Madoobe oo Shaanshada Skpye kaga qeybgaley taageerayaashiisa Xaflad Minneapolis ka dhacdey Xaley

41

Taageerayaasha Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa  xaflad weyn ay ku taageerayeen Doorashada Axmed Madobe ee Jubaland State  ku qabtey Hotel Marriot ee magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Munaasabadaas ayaa waxaa Soomaalida kala soo qeybgaley  Musharaxiinta Duqa Magaalada Minneapolis ee kala ah: Mark Andrew, Don Samuels iyo Haweeneyda iyadana u tartameysa xilka Mayor Minneapolis ee jackie cherryhomes 

Intii ay munaasabada socotey ayaa waxaa dadkii xaflada shaandhanda la iska arko kala hadley Sheikh Axmed Madoobe isagoo eedeeyey dowlada Federaalka Soomaaliya doorkeeda ku aadan Jubaland.

Hogaanka Magaalada Kismaayo ayaa noqotey xudunka khilaafka Soomaaliya iyo gobolka geeska Afrika, waxaana dadka deegaanka jubooyinka ka cabsi qabaan dagaal ka dhaca halkaas maadaama ay ku sugan yihiim madaxweyneyaal iska soo horjeeda oo taageero ka kala haysto qeybaha kala duwan ee gobolka..

Idale News Kismaayo

You might also like More from author

Comments are closed.