Wasiir Norway ka tirsan oo beeniyey in aysan Kenya gacan ku siinin sheegashadeeda xuduuda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa

80

Dowladda Nowwary ayaa markii ugu horeysay ka hadashay warar la isla dhexmarayey oo sheegayey inay shidaal baaris ka sameyn doonto badda Soomaaliya gaar ahaan xeebaha gobolada Jubbooyinka, heshiiskaasina ay la gaartay dowladda Kenya iyo maamulka uu Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, waxayna sheegtay inaysan marnaba Kenya ku garab-siineynin inay dhul Soomaaliyeed si bilaash ah ku qaadato.

Wasiirka horumarinta caalamiga dowladda Norway Heikki Eidsvoll Holmås oo wareysi siiyey Wargeyska Financial Times ayaa si kulul oga hadlay warar lagu daabacay qaar ka mid ah Wargeysyada Ingiriiska oo sheegay in dowladda Norway ay si aan sharci aheyn shidaal uga baareyso Soomaaliya iyadoo heshiis arrinkaasi ku saabsan la gashay dowlada Kenya ayaa waxa uu sheegay in warkaasi uusan waxba ka jirin, Kenyana aysan ku garab siineynin inay dhulka Soomaalida dhacdo.

Wasiirku waxa uu sheegay in Norway danteedu ay tahay Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo gaarta, beena ay tahay in danta Norway ay tahay shidaal baaris oo keliya, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Norway ay ka qeybqaadan doonto dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo sidii ay dowladda Soomaaliya u maamuli laheyd.

Wasiirku mar uu ka hadlayey muranka Kenya iyo Soomaaliya ee dhul badeedka ayuu sheegay in Norway ay dowladda Soomaaliya gacan ka siisay sida uu yiri in sanadkii 2009-kii Qaramada Midoobay u gudbiso diiwaanka dhul badeedka Soomaaliya oo hordhac ah kaasi oo Soomaaliya xaq u siinaya in diiwaan dhameystiran ay soo gudbiso xili kale si uusan dhulka uga dhaxal wareegin sida uu qabo qaanuunka haddii aanan warbixinta hordhaca lagu gudbin lahayn mudada loo cayimay.

“Dhulka Sedex xagalka ah ee la sheegay in Kenya loo saxiixayo waa mid aanan jirin, isla markaasna ay dowladda Norway ka soo horjeedo, sida aan la socono Soomaaliya iyo Kenya waxay gaareen is faham ay u gudbiyeen Guddiga xariiqista dhul badeedka Qaramada Midoobay, kaas oo ay ku qireen in isfahamkooda uusan sinaba isu hortaagi doonin xadeynta mustaqbalka la sameyn doono, taas oo ka dhigan in labada dal isu ogolaadeen in mid kasta uu gudbiyo dhulka uu leeyahay baaxaddiisa sida uu waajibanayo qaanuunka Qaramada Midoobay” ayuu yiri wasiirka horumarinta caalamiga dowladda Norway Heikki Eidsvoll Holmås.

 

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.