Ciidamo ka socda Seirra Lione oo ku wajahan Bu’aale oo gaarey Dhoobley

67

Ciidamo kasocda dalka Sierra Leone ayaa maanta gaadhay magaalada Dhoobley.Gudoomiyaha magaalada Dhoobley Axmed Xasan Qeex ayaa xaqiijiyay in ciidamo kasocda dalka Sierra Leone ay gaadheen Dhoobley.Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ciidamada gaadhay Dhoobley ay ku hubeysan yihiin 100 gaadiidka gaashaamaan.Waxaa sidoo kale dejinta ciidamadan qeyb ka ahaa diyaarado Helikobtar ah oo dul heebaabayay xarumaha la dejinayay ciidanka.

Qaar kamida ciidanka ayaa usii gudbatay tuulada Taabta iyagoo sida lagu soo waramayo ku wajahan magaala madaxda gobolka Jubbada dhexe ee Bu’aale oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab.

Gudoomiyuhu ma sheegin tirada ciidanka maanta gaadhay Dhoobley.

Dalka Sierra Leone ayaa ku yaboohay 850 askari oo kamid noqon doona howlgalada nabad ilaalinta AMISOM kuwaas oo la sheegay inay ka howlgali doonaan Jubooyinka iyo Gedo

 

Idale News Kismaayo

 

You might also like More from author

Comments are closed.