Dhageyso: Dowlada oo Maamul U Magacowdey Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay

126

Munaasibad balaaran oo ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka bay iyo Dowladda Federaalka ayaa maanta ka dhacday degmada Buur-hakaba ee gobolkaasi. Dhanka dowlada Federaalka Somalia waxaa ka socdey Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimah Gudaha iyo Amniga Qaranka halka dhanka Gobalka uu ka socdey Gudoomiyaha Gobolka Cabdi Aadan Hoosow.

Munaasabada ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee degmada Buur-hakaba kaasoo loo magacaabay Axmed Maxamed Yuusuf iyo ku xigeenkiisa.

Kadib hadal uu halkaasi ka jeediyay agaasimaha Wasaarada arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sheegay in maanta wixii laga bilaabo Maamulkaan cusub degmada Buur-hakaba lo sameeyay ay si toos ah oga howgali doonaan

Dhageyso Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo ka hadley munaasada halkaas ka dhacdey
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/Agaasimaha-Wasaaradda-Arimaha-Gudaha.mp3]

Idale News Baidoa

You might also like More from author

Comments are closed.