Ciidamada Kenya oo dilay lamaane is qaba oo ay uga shakiyeen argagixiso gudaha magaalada Nairobi

42

Howl galkan oo qaatay saacado ayaa ciidamada booliska ka sameeyeen guri ay degenaayeen lamaanahan oo ku yaala xaafada Githurai Kimbo maalintii sabtida aheyd, iyadoo howl galkan ay ka qeyb qaadanayeen ciidamada booliska ee la dagaalanka Argagixisada. Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay ku raad joogeen nin lagu magacaabo Felix Otuko oo la sheegay inuu ku soo tababartay Soomaaliya.  Ninkan iyo xaaskiisa ayaa diiday inay ciidamada isku soo dhiibaan, iyadoo booliska ay u isticmaaleen gaaska indhaha ka ilmeysiiya, iyagoo bam gacmeed ku soo tuuray ciidamada booliska, kana dhaawacay shan askari. Lamaanayaashan ayaa heystay canug sideed bilood jir ah, kaasoo ay u isticmaali rabeen inay isku difaacaan, hase ahaatee booliska ay toogteen labadooda, ayna guriga ka kaxeeyeen canugii sideeda bilood jirka ahaa.

“Waxaan helnay warbixin ku aadan inay qorsheynayaan weerar, waxaan si dhaqse ah ku ogaanay halka ay dhuumaaleysanayeen”ayuu yiri Augustine Mthumbi oo ah taliyaha booliska Nairobi. Meydka ninka iyo xaaskiisa ayaa loo qaaday halka la dhigo keydka meydadka ee magaalada Nairobi, iyadoo boolisku sheegay inuu baaritaan wado. Howl galkan ayaa ku yimid kadib markii ciidamada Booliska ay su’aalo weydiiyeen nin lagu Elgiva Bwire Oliacha oo saaxib la ahaa ninkan ay diloeen booliska, waxaana ninkan u xiran booliska Kenya u suura gashay inay ka helaan xogta ku saabsan Mr Otuko oo weeraro argagixiso qorsheynayay.


Waa howl galkii u horeeyay noociisa ee Ciidamada booliska la dagaalanka Argagixisada ku qaadaan guri ay degenaayeen dad looga shakisan yahay argagixiso, iyadoo ciidamada la kulmeen iska caabin.

Idale News Online Mogadishu

 

You might also like More from author

Comments are closed.