Gabar Askariyad ah oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa labo askari ku dishay magaalada Kismaayo

93

Gabar Askariyad ah oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa labo askari ku dishay magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Ho
abar Askariyad ah oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa labo askari ku dishay magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose. Dilkan oo ka dhacay mid ka mid ah xeryaha ciidamada ee ku yaala Kismaayo ayaa la ogeyn sababaha ka dambeeya

Arrintan oo ah tii u horeeyay ee nooceeda oo gabar askariyad ah ay ku disho askar kale ayaa ah hadal heynta ugu badan ee ka jirtay Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in la xiray gabadhan askariyada ah, iyadoo saraakiisha ciidamada la sheegay inay haatan kulan leeyihiin, si ay xiisada u qaboojiyaan.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay sameyn doonaan baaritaan ku aadan sababaha dilka, iyadoo gabadhan haatan lagu haayo mid ka mid ah xeryaha ciidamada ku leeyihiin Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray qalalaaso siyaasadeed iyo is qab qabsi xaga maamulka, kadib markii dhowr Madaxweyne loo doortay Jubaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa askar u qorata haweenka, iyadoo ay ka mid yihiin Booliska, Nabadsugida iyo Milateriga, kuwaasoo lagu arko fagaaraha dagaalka iyo goobaha howl galada laga sameeyo.

Idale News Online Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.