Dowlada Kenya oo markii ugu horeysey sheegtey in ay aqoonsan tahay Doorashada Axmed Madoobe ee Maamul Goboleedka Jubbaland

83

Dowladda Kenya oo markii ugu horeysay ka hadashay doorashooyinkii madaxtinimada maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegtay inay si weyn u soo dhaweynayso doorashooyinkii Madaxweynenimada maamulka Jubbaland ee lagu doortay Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe}, kaas oo ahaa hogaamiyihii Jabhadda Raaskambooni.

Kenya Army Colonel Cyrus Oguna, speaks d

Afayeenka ciidamada Kenya Cyrust Oguna ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay hogaanka cusub ee loo doortay Jubbaland ee Sheekh Axmed Madoobe, waxa uuna intaasi ku daray inay tahay wax lagu farxo in dadka ay doortaan hogaan ay iyaga ku qanacsanyihiin, tusaalana u tahay in mashruucii siyaasiga ahaa uu miro dhalayo.

Waa hadalkii ugu horeeyey ee kasoo baxay dowladda Kenya ee ku aadan Jubbaland, waxaana  Oguna uu ku dooday in dhismaha Jubbaland uu ahaa wax dadka deegaanadaasi ay leeyihiin oo aanan kor looga keenin.

Dhinaca kale Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo doraad ku laabtay magaalada Kismaayo ayaa ogolaaday doorashadii 15-kii bishan ka dhaxday magaalada Kismaayo ee Madaxweynenimada loogu doortey Sheekh Axmed Maxamed Islaam, wuxuuna ka qeybgalay kulan ay wafdigii IGAD la yeelanayeen qaar ka mid ah shirkii lagu doortay Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo doorashada Axmed Madoobe.

Idale News Online MUQDISHO

You might also like More from author

Comments are closed.