Ciidanka Booliiska oo Howlgalo ka wada Magaalada Muqdisho

64

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidanka booliska ayaa saaka hawlgallo ballaaran ka wada xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ,Ciidanka ayaa saaka aroortii lagu arkay iyaga oo ku sugan gudaha xaafadaha degmadaas isla markaane qab-qabanaya dadka ku dhaqan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir  gaar ahaan dhalinyarada.

Ciidamada ayaa baaritaano ku haya guryaha,goobaha ganacsi,gaadiidka  iyo dadka lugeynaya wadooyinka degmada Wadajir,booliska dowlada ayaa qab-qabanaya dhalinyarada ay uga shakiyaan iney xiriir la leeyihiin alshabab,goobjooge ku sugan degmada Wadajir ayaa ku waramay iney ciidamadu dadka su’aalo weydiinayaan halka ay dadka qaarne  u taxaabayaan saldhigga booliska degmadaas.

Kudhawaad ruux oo u badan dhalinyaro ayey ciidamadu ku qabteen hawlgalka ay ka wadaan degmada Wadajir oo wali socda,ciidanka ayaa dhalinyarada oo la tilmaamayo iney ka mid yihiin arday kusii jeeday goobahooda waxbarasho u taxaabay saldhigga booliska degmada Wadajir.

Saraakiisha hogaaminaya hawlgalka ay ciidamada dowlada Soomaaliya  ka wadaan degmada Wadajir ayaan ilaa hadda warbaahinta uga warbixin hawlgalka ay ka wadaan degmadaas,ciidamada kala duwan ee dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyey degmooyinka Muqdisho ka waday hawlgalo ay ku adkeynayaan amniga caasimadda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.