Daawo: Sida loo caleema saarey Barre Hiiraale oo taageerayaashiisa u doorteen Madaxweynaha Jubbaland State

72

Xaflad ay soo agaasimeen taageerayaasha Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale “islamarkaasina ay ka soo qeybgaleen nabadoonno, salaadiin, ugaasyo iyo waxgarad sida ay sheegteen ka soo jeeda beelaha dega Jubooyinka ayaa maanta ka dhacday Hotel Baranwaa ee magaalada Kismaayo.

Xafladan oo ahayd mid lagu caleemo saarayo Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo sheegtey inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland State ayaa waxa kasoo qeybgalay dad isugu jira saraakiisha ciidamad dowladda ee Jubooyinka, siyaasiyiin taxaaluf la ah Barre, haween, odoyaal iyo dhalinyaro

Barre1

Magaalada Kismaayo ayaa la ciirciireysa Madaxweynayaal iyo magacyo Maamul Gobolyeedyo iska soo dabadhacaaya oo dadka magaaladu  u arkaan in looga soo horjeedo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo shir in mudoo ah ka socda xarunta shirka ee Jaamacada Kismaayo ergadu shirkaasi ugu doorteen Axmed Madoobe inuu yahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland.

Ciidamada Kenya oo ku shaqeeya magaca AMISON oo iyagu ah xoogga magaalada ku sugan ee shisheeye ayaan la garan karin talaabada ay qaadayaan fowdada siyaasadeed ee magaalada Kismaayo ka taagan, oo u muuqata iney horseedi karto gacan ka hadal Madaxweyneyaasha ka dhex dilaaca haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Idale News ONline

You might also like More from author

Comments are closed.