Caleemo Saarka Axmed Madoobe oo beri Ariport ka dhici doonta iyo Barre Hiiraale oo Hotel Baranwaa ka dhigtey Madaxtooyada Maamulkiisa

32

Wararka naga soo garay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan  in maalinta bari ah  ay magaaladaasi ka dhacayso  calemo saarka Madaxweynaha jubbaland iyo Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.

Manta Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxaa ka dhacay munasabad  lagu magacabay  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Gen  Cabdilahi Sh Ismaciil waxaana magacaabistiisa ka dib lagu dhaariyay isla garoonka kismaayo.

Sida ay IdaleNews Online  xog hoose ku heshay Urur Goboleedka IGAAD waxaa uu ku amray  Masuliyiintaan Cusub in ay sida ugu dhaqsiyo badan ku soo dhamaystiraan  Golaha wasiirada Jubbaland iyo dhamaan hay,adaha kale ee u yeelanaayo Maamul goboleedka Jubbaland.

Ila wareedyo lagu kalson yahay ayaa IdaleNews u sheegay in ugu danbeyn Golaha Wasiirada la soo magaacaabi doono 22 bisha May  waxaayna ka kobnan doonan  10 wasiir ayado ay ka soo muqan doonan golahaasi Masuliyiin  caan ah oo qaarkood Jagooyin ka soo qabtay Dowladihii KMG ah ee Somalia.

Caleemo saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa waxaa ka soo qayb gali doona Masuliyiinka ka socda Urur Goboleedka IGAAD iyo dad badan oo Somalia  caan ka ah.

Dhanka kale  waxaa  manta si nabad galiyo ah ku soo dhamaday Caleemosaarka Col Barre Adan Shir  Hiiraale oo asaga Maalinti shalay lo dortay Madaxweynaha Jubbaland ayado munaasabad ka dhacday  hotelka Baranwaa uu Col Barre hiiraale ka sheegay in Maamulkiisa uu kawada shaqayn doono guud ahaan Gobolada ay ka kooban tahay Jubbaland,

Idale News Kismaayo

You might also like More from author

Comments are closed.