Qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ka dhisan koonfurta Somalia ayaa maanta kulan ku yeeshay hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho kaasoo ay uga hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Axsaabta Madaxdoodu ka qeb gashay kulankan oo kala ahaa Isbaheysiga Nabadda Soomaaliyeed, Xisbiga Sahan Qaran, Xisbiga Somali Social Unity (SSUP) Naadiga Nabadda iyo Midnimada Soomaaliyeed Midowga Xisbiyada Isbedel doonka ah waxay kulankooda ka soo saareen war-saxaafadeed ka koobnaa shan qodob oo sidan u qornaa:-

War-saxaafadeed

Markii aann qiimeynay xaaladaha dhabta ah ee la xiriira, Amniga, Siyaasadda iyo cadaalada waxaan soo saarnay war saxaafadeed ka kooban shan qodob.

1-Ugu horeyn waxaan soo dhoweyneynaa la wareegitaankii dowladda Soomaaliya la wareegtay hawada Soomaaliya waana talaabo loo qaaday dhinaca dowladnimada.

2-Waxaan maalmahan warbaahinta ka dhageysaneynay odayaal dhaqan iyo qaarka mid ah bulshada rayidka ah oo ka hadlaya mooshin baarlamaanku wado.

Mooshinku wuxuu ka mid yahay shaqada baarlamaanka isaga ayaana ku matala shacabka Soomaaliyeed ilaalinta madax banaanida dalka, wuxuu xaq u leeyahay wixii aan dan u ahayn dalka, dadka iyo diinta inuu talaabada ku haboon ka qaado, wixii dan u ahna taageero. Sidaas darted odayaasha dhaqanku xildhibaanada iyaga ayaa soo xulay waa inay u daayaan shaqadooda ayna ku ekaadaan dhaqanka.

3-Waxaan aad uga walaacsanahay xaalada amni xumo ee ka jirta magaalada muqdisho iyo jidadka xir xiran ee lagu curyaaminayo guud ahaan dhaqaalaha gaar ahaan nolosha dadka dan yarta ah. sidoo kale xaalada murugsan ee gobolka Shabeelada hoose iyo Isbaarooyinka xad dhaafka ah ee rag ku labisan dareyska ciidamada dowladdu dhigteen jidka isku xira Muqdisho iyo gobolka Shabeelada hoose.

4-Waxaan cambaareyneynaa qaraxyada lala beegsanayo dadka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

5-Waxaan aad uga xunahay dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed ku heysata xabsiyada caalamkoo dhan, gaar ahaann wadamada afrika iyo dowladaha Carbeed. Sidoo kale xabsiyada gudaha Soomaaliya kuwaasoo aan helin difaacayaal caalami ah; waxaan ugu baaqeynaa xukuumada Soomaaliyeed inay xil iska saarto badbaadinta dhallinyarada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda eyna helaan cadaalad si waafaqsan sharciga.

Intaa ka dib ayaa waxaa saxaafada la hadlay kulankoodana faahfaahin ka siiyey madaxda axsaabta kulankaas ka qeyb galay, waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha Isbaheysiga nabada Soomaaliyeed C/llaahi Shiikh Xasan oo sheegay xisbiyada siyaasadeed xil ka saaran yahay iney qiimeeyaan xaalada dalka, dadweynahana u gudbiyaan waxa saxa ah.

C/llaahi Shiikh Xasan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in la yiraahdo Baarlamanka mowshin ma keeni karo wuxuuna isweydiiyey haddii uusan keeni karin sababta mowshinka loo sameeyey iyo waxa baarlamanka uu qabanayo.

“Baarlamanka waa heyadda kaliya ee shacbiga metela iyagaa doortay madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamanka, xukuumadana ansixiyey waxay xaq u leeyihiin iney la xisaabtamaan haddii ay fulin waayaan shaqadii loo diray” ayuu intaa ku daray C/llaahi Shiikh Xasan in xukuumadu gashay khaladaad badan.

“Amniga haddii aan ka hadlo wadooyinka qaar ee muhiimka ahaa waxaa laga xiray basaska dadweynaha sidaan ognahayna basaska maaha wax isqarxiya, lama sheegin bas hadda ka hor isqarxiyey” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan ku baaqay in jidadka loo furo dadweynaha, amniagana la sugo, dembiilahana dadka laga soo dhex qabto.

Sidoo kale, C/llaahi Shiikh Xasan ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka taagan cadaalada, dib u dejinta barakacyaasha, xabsiyada, waxbarashada, Caafimaadka iyo arrimo kale oo uu sheegay in dowlada Somalia ay ka guuldareysatay iney wax la taaban karo ka qabato.

Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadashay gudoomiyaha Naadiga Nabadda iyo Midnimada Somaliyeed Caasho Axmed Cabdalla oo sheegtay in war-saxaafadeedkan uu ku soo aaday xilli haboon arrimaha ay ku hadleena ay yihiin kuwo taagan oo mudan in la tilmaamo.

Gudoomiyaha Midowga xisbiyada isbedeldoonka Soomaaliyed Cali Maxamed Nuux Timajilic oo isna ka hadlay munasabadaas ayaa sheegay in Baarlamanka Somalia uu xaq u leeyahay waajibna ka saaran yahay inuu la xisaabtamo xukuumada Somalia sidaas awgeedna loo baahan yahay in lagu ixtiraamo shaqadiisa.

“Haddii aan ka hadlo arrinta isbaarooyinka madaxweynaha wuxuu ku dhowaaqay in isbaarooyinka la qaado, waa nasiib daro in ciidamadii dowlada ee la rabay iney amarkaas fuliyaan ay iyagii laftooda isbaaro dhigteen” ayuu intaa ku daray Timajilic.

Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay wakiilo metelayey xisbiyada kala ah Xisbiga Sahan Qaran iyo Xisbiga Somali Social Unity (SSUP) kuwaasoo iyana ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira dalka iyo waxyaabaha uu ku saabsanaa war-saxaafadeedka ay soo saareen.

axsaab (1)axsaab (2)axsaab (3)axsaab (4)axsaab (5)axsaab (6)

Idale News Online Mogadishu