Aktarada caanka ah ee jisha Filimaanta Hollywood-ka ayaa iska saartay labadeeda Naas, kadib markii la ogaaday in naasaheeda ay qatar ugu jiraan inuu ku dhaco cudurka Kansarka ee naasaha ku dhaca.

Ms Jolie oo 37-jir ayaa go’aankan qaadatay, iyadoo muddo sadex bil qaliin soo socday oo bilowday bishii febraayo ilaa dhamaadkii April in labadeeda naas laga saaro.

Dhaqaatiirteeda ayaa u sheegay in 87% ay halis ugu jirto in kansarka naasaha ku dhaco, waxaana ay sheegtay inay go’aankan u qaadatay si ay nafteeda u bad baadiso.

Angelina Jolie ayaa heysata lix caruur ah, saddex ay dhashay iyo saddex ay soo korsatay, waxaana tallaabadan soo dhoweeyay seygeeda aktarka ah Brad Pitt.

_67603050_5mj7iug5

Aktaradan ayaa ku caan ah jilida Filimaanta Mareykanka ee Hollywood, kuwooda ugu qatarsan ee loo yaqaano Filimada Akshanka.

Idale News Mogadishu