Maamul KMG oo ku saleysan Nidaamka Awood qeybsiga 4.5 oo Dowladdu ku howlan tahay inay u magacowdo Gobalka Jubbada Hoose.

49

Dowlada Fadaralka Somalia ayaa waxaay dhawaan si hoose  u magacowday Maamul kmg ah oo ku dhisan  nidaamka 4.5 ka ah ee ay ku dhisan tahay Dowlada Fadaraalka Somalia.

Maamulkaan oo  qaybtiisa hore ee Jubbada Hoose la Magacaabay   balse logu talagalay in lagu shaaciyo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa manta soo wajahay fashilkiis ugu horeeyay ka dib marki Diyaaradi siday Gudomiyaha Maamulkaani  iyo qaar ka mid ah Xubnaha Maamulkan Cusub lo diiday in ay soo gaca dhigato  garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

  1. Maamulkaan Cusub ayaa waxaa Gudomiye  loga dhigay  Masuul ka soo jeeda Beesha Daroood/Absame  oo lagu  magacaabo  Maxamed Amin Sheikh.
  2. Gudoomiye Ku xigeenka 1aad Gobalka Jubbada Hoose ee dhanka Amaanka ayaa loo magacaabey Shaqsi ka soo Jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ee Jubooyinka gaar ahaan Beesha Hubeer
  3. Gudomiye ku xigeenka 2aad Gobolka ee dhanka Siyaasada  ayaa waxaa laga  dhiga Masul ka soo jeeda Beesha  Hawiye/Gaaljecel laguna magacaabo Col.  Cabaas  Maxamuud Cadow
  4. Gudomiye kuxigeenka Gobolka ee Dhanka Maaliyada  waxaa laga dhigay Masul ka soo jeeda Beesha Dir/Biyamaal
  5. Kuxigeenka Duqa Magaalada  ee Dhanka  Maaliyada  waxaa laga dhigay   Hawiye /Sheekhaal
  6. Kuxigeenka Duqa Magaalada  ee Dhanka Siyaaasada waxaa laga  dhigay Daarood/Majeerteen.

Xogtaan oo aanu ka helnay  xubno ka tirsan Xafiska RW Somalia ayaa waxaay tibaxaysa in aan wali la magacaabin Maamulka Gobolka Jubbada Dhexe balse lagu jiro wadatashigi ugu danbeyay ee lagu magacaabi  lahaa maamulkaasi.

Magacaabitaanka Maamulkaan Cusub ee ku dhisan  Nidamka 4.5 ka ah ayaa waxaa uu imanaya Xili Shacabka iyo Siyaasiyiinta Gobolada Jubboyinka iyo Gedo  ay shirar lagu dhisaayo Maamul lagu magacaabo Jubbaland State u fadhiyaan dhawana  la filayo in ay So dortaan Madaxweynihi hogaamin lahaa Maamulkaasi 3 da Sano ee soo socota.

NB: Warbaahinta Idalenews.com wali  waxaay ku daba jirta  helida xogtaan oo dhamaystiran waxaana macquul ah in isbadal uu ku yimado qaabka qabilada ay wax u qaybsaden maadaama Gobolka Jubbada hoose lagu  kala badan yahay.

Idale News Muqdisho

Muqdisho-Somalia

 

You might also like More from author

Comments are closed.