Ciidamada Kenya oo maanta dagaalo kulul kala kulmay Xoogaga Shabaab

85

shay4

Xoogaga Shabaab oo si weyn uga soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Kenya ee dalka, ayaa waxay maanta la galeen dagaalo culus oo ay ku qaadeen.

Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa maanta ka soo baxay gawaari ay la socdeen Ciidaamda Kenya, iyagoo ku sii jeeda Degmada Libooye Kenya, ayaa waxaa dagaalo ku soo qaaday Al Shabaab.

Dagaal yahanada Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Kenya ayaa waxay maanta si weyn ugu dagaalameen duleedka Degmada Dhoobleey, kadib markii ay isku adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka.

Dagaalada labada dhinac u dhaxeeyay ayaa waxay geysteen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo hal gaari laga gubay Ciidamada Dowladda Kenya.

Gudoomiyaha Degmada Dhoobleey ee Maamulka Gobolka Jubbada Hoose Xasan Maxamed C/laahi, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Ciidamada Al Shabaab ay ka carareyn laba meydad ah.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu ka gaabsaday khasaaraha dhabta ah ee dagaalada ka soo gaaray Ciidamada Dowladda Kenya, balse waxaa jira khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh, oo Ciidanka Kenya ka soo gaaray dagaaladaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.