Ugaaska Beesha Sade oo sheegay in lagu heshiyay Ergadi Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.

92

Magaalada Kismaayo  oo ay labadi bari ee ugu danbeysay ay ka tagnayd  ismari waa dhanka  qaybsiga ergoyinka  Gobolada Jubbada hoose iyo jubbada dhexe  ee  doranaya Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa hada soo ifbaxaya in  is afgarad laga garay.

Ugaaska Beesha Sade  Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo u waramayay Warbaahinta Kismaayo24 ayaa waxaauu sheegay in dood dheer ka dib  xalay  la  xaliyay  qaybsiga Ergoyinka  Jubbad Hoose iyo Jubbada dhexe.

Ugaas Maxamed ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Shacabka Jubbaland  ay ka go,antahay  dhisida  Maamul Goboleedka Jubbaland  isla markana aysan marnaba diyaar u ahayn in uu shirka Jubbaland u fashil ku dhamado.

Ugaska oo aanu wax ka waydinay halka ay marayso Qaybsiga Ergoyinka Gobolka Gedo  ayaa waxaa uu sheegay in Gobolka Gedo Ergoyinkiisi la qaybsaday laguna heshiyay mar hore  balse waxaa ay dhibta ka tagnayd ay ahayd labadan  gobol ee kale .

Ugaaska ayaa waxaa uu sheegay in Ergada Gobolka Gedo ay tahay Ergo xulan oo lagu soo xulay dhaqanki soo jireenka ahaa ee Gobolka Gedo  hadana ay hal meel wada daganyihiin ayaagon  isku kalson islamarkana ah dad is fahansan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.