Goorma ayaa la soo dooran doonaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland?

45

Guddiga Doorashada qaban qaabada ee Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday goorta la soo dooran doono Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland waa Maamul ku cusub saaxada siyaasada ee Soomaaliya, waxaana dhawaan lagu wadaa in uu yeesho Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulkiisa soo mara.

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Farsamada ee shirka Magaalada Kismaayo Hilowle Aadan, ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay in isbuucaan ay soo dooran doonaan Madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in kama dambeys ay doonayaan inay isbuucaan soo doortaan Madaxweynihii ugu horeeyay ee soo mara Maamulka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay diyaar wada yihiin Musharixiinta u taagan Jagada Madaxweynenimo ee Maamulka Jubbaland, isla-markaana ay soo dooran doonaan sida uu yiri toddobaadkaan.

Waxaa jira khilaafaad ka taagan shirka Maamul U Sameynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana jira Odayaal fara badan oo shirka isaga baxay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.