Ciidamada Puntland oo gacanta ku soo dhigay askari Magaalada Garoowe ku dilay haweeney

55

askari1

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland, oo qof dumar ah ku dilay Magaalada Garoowe.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay gelinkii dambe ee shalay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Magaalada Garoowe, waxaana lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigay askariga dilka geystay.

Taliyaha Madaxtooyada Magaalada Garoowe ee Puntland Gaashaanle Sare Cumar C/laahi Maxamed, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen askariga.

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay inaysan garaneyn sababta uu askariga u dilay haweeneyda, balse wuxuu sheegay inay baaritaano ku sameynayaan askariga, dibna ay ka soo sheegi doonaan sababtii uu u dilay.

Haweeneyda uu askariga dilay ayaa waxay caan ka ahayd Magaalada Garoowe, waxayna ka ganacsan jirtay qaadka, iyadoo lagu magacaabi jiray Qaali Jabuuti Xersi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.