Cade Muuse ayaa walaac ka muujiyay Xaalada Maamul Gobaleedka Putland

48

cade muuse

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Gen. Cade Muuse Xirsi ayaa ka hadlay xaalada Puntland iyo doorashooyinka dhawaan lagu wado in ay ka dhacaan deegaanada maamulkaasi.

Gen. Cade Muuse Xirsi ayaa sheegay in haatan xaalad xun ay ku jirto Puntland, loona baahanyahay in shacabka iyo isimada reer Puntland ay arintaasi ka dhiidhiyaan.

Waxa uuna tilmaamay in maamulka Madaxweyne Faroole uu sheegay in doorashooyinka ay noqonayaan dhidaamka Xisbiyada haatanna aysan jirin wax sharci ah oo u dagsan arintaasi.

Cade Muuse madaxweynihii hore ee maamulka Puntland ayaa sheegay xisbiyada haatan jira in ay yihiin kuwo magaca uun wata laakiin aysan aheyn xisbiyo sax ah, isagoona ku eedeeyay madaxweyne Faroole in uu doonayo si cadaalad darro ah inuu ku soo laabto, oo dib loo soo doorto.

Wax garadka Puntland ayuu ugu baaqay madaxweynihii hore ee maamulka Puntland in ay qaataan doorkooda, isla markaana ay ka hortaan in Puntland ay ka dhacaan qalalaaso.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.