Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Xalane ee Taliska AMISOM ayaa ka hadlay xaalada ammaanee magaalada Muqdisho.

Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in wax ka qaban doonaan qal qalka lagu haayo ammaanka, kadib markii maalmihii la soo dhaafay qaraxyo ka dhaceen.

“Si wada jir ayaa AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya wax uga qabanayaan qal qalka ammaanka”ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumad.

xumad

Sidoo kale Afhayeenka AMISOM ayaa cadeeyay in Booliska AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan howlaha lagu sugayo ammaanka, waxaana uu tilmaamay in aanay mar dambe dhici doonin waxyaabihii dhowaan magaalada ku soo laabanayay.

Dhinaca kale Afhayeenka AMISOM ayaa soo dhoweeyay shirkii London ka dhacay, kaasoo dowladda Soomaaliya loogu yaboohay boqolaal malaayiin wax looga qabanayo dib u dhiska dalka, amniga iyo cadaalada.

Ciidamada AMISOM ayaa dowladda Soomaaliya ku taageera sugida ammaanka, iyagoo gacanta ku haya ammaanka xarumaha dowladda, sida Madaxtooyada, Dekeda iyo Airporka.

Idale News Online Mogadishu