(DAAWO SAWIRADDA) Gudomiyaha Ururka Qareenada ee Gobolka Sanaag oo la dhaawacay

45

3

Gudomiyaha Ururka Qareenada Ee Gobolka Sanaag Garyaqaan Cali Siciid Jamac Cali Foolow ayaa waxaa shalay Abaaro 11 Duhurnimo ay dablay Hubaysani Weerar kusoo Qaadeen Waxana Garyaqaanka Roobka Lagaga Dhigay Biro iyo ulo ay siteen Malayshiyaadka Soo Weeraray Waxana Intaasi Kadib Garyaqaanka loola Cararay Cusbitaalka Guud ee Ceerigaab.

Garyaqaan Cali Siciid Jaamac oo Xaaladiisa Caafimaad Waqtiga ay aad ufican tahay ayaa waxa uu Warbaahinta uga warbixiyay sida loo soo beegsaday isagoona sheegay in xaaladiisu ay wanaagsan tahay balse ay weli ku dambeeyo dhaawacyadii ka soo garay Biraha iyo ulaha.

Waxa kale oo uu Sheegay Garyaqaan Cali Siciid Foolow In Malayshiyaadka soo Weeraray ay uu Sida Loo Sheegay ay Weerarkaaso Kale Kusoo Qaadeen Maxkamada Gobolka.

Garyaqaanka ayaa waxa uu weerarkaasi  ku eedeeyay  Cheif Caaqil Xuseen Xasan Waa Sida uu Hadalkiisa udhigay, Sido kalena Waxa uu Gebi Ahaanba Iska fogeyay in wax kiis ahi ka Dhexeeyeen Cida Weerarka Kusoo Qaaday.

Dhinaca Kalena Gudomiyaha Maxkamada Gobolka Aadan Saalaxi oo anu Isku daynay Inaan Wax Ka Waydiino Sababta Keenta Weerarka Maxkamada Gobolka Lagu Soo Qaaday Laguna Dhaawacay Gudomiyaha Ururka Qareenada Ee Gobolka Ayaanay Noo Suurta Gelin Kadib Kolkii uu  Ka Jawaabiy waayay Telefonkiisa Gacanta

Sikastaba ha ahaate Garyaqaan Cali Foolow ayaa Haatan Lagu Dabiibayaa Cusbitaalka ayaa Xaaladiis Caafimaad Kasoo Raynaysaa.

DAAWO SAWIRADDA:-

4

1

2

3

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.