Gudoomiyaha Magaalada Marka oo ka badbaaday isku day lagu dili rabay

47

Marka

Maxamed Cusmaan Yariisow ayaa wuxuu ka hadlay qorshe xalay lagu doonaayay in dunida looga musaafuriyo, isagoo dhanka kalana hanjabaado u jeediyay Ururka Al Shabaab.

Gudoomiyaha Magaalada Marka ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cusmaan Yariisow, oo la hadlay Idaacada Goobjoob ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay inuu ka badbaaday isku day lagu qaarajin lahaa.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in xalay gurigiisa lagu soo weeraray bambo gacmeyd xilli uu ku sugnaa, isagoo intaasi ku daray in bambada ay ku soo dhacday meel uu daqiiqado kahor fadhiyay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in bambada uu uga bambaaday si dirqi leh, isagoo intaasi ku daray in Al Shabaab ay dooneysa inay bambadaasi ku disho, balse uu ka badbaaday.

Maxamed Cusmaan Yariisow ayaa wuxuu ku hanjabay inay ciqaab adag marsiin doonaan, Ciidamada Al Shabaab ka tirsan ee ku dhuumaaleysanaaya Magaalada Marka, ee maleygaaya buu yiri dhibaatooyinka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.