Banaanbax aan horay loo arkin oo Xiligaani ka socda Magaalladda Muqdisho

48

mudaaharaad1Waxaa xiligaani Magaalada Muqdisho ka socda Banaanbax Ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobalka Banaadir.

Banaanbaxa ayaa waxa uu yahy mid salka ku haayo Taageero lagu muujinaayo Shirka Xiligaasi Soomaalida uga socda Magaallada London ee Carriga Dalka Britain, iyadoona Banaanbaxaasi ay ka qeybqaadanaayan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir.

Mas’uuliyiinta Banaanbaxa ka qeybgaleysa ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo xubno kale iyadoona Ammaanka si aad ah loo adkeeyay

Si kastaba ha ahaatee, Baxaanbaxa ayaa waxa uu xiligaani ka socdaa beerta Nabadda ee Degmada Xamarweyne halkaasi oo lagu soo bandhigaayo Baahida Shacbiga soomaaliyeed ay u qabaan Nabada iyo Ammaanka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.