Dowladaha ku jira Ururka Gacanka Carabta oo cambaareeyey qarixii Muqdisho

35

ooooooooooooooooooooooooooooooo

Golaha iskaashiga gacanka Carabta (GCC), waxay si kulul u cambaareeyeen Falkii Argagixisada eel ala beegsaday Kolonyo gawaari ay la socdeen Wafdi ka socday Dalka Qatar, kuwaasi oo maalintii Axadii lagu weeraray Isgooyska KM4.

Haddal qoraal ah oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee GCC, Dr.Abdullatif Al-Zayani, ayuu ku sheegay inuu weerarkaasi ahaa Fal Argagixiso oo looga soo horjeeday guud ahaan Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Caalamiga.

Mas’uulka waxa uu sheegay inuu Golahu aad uga walaacsan yahay qalalaasaha ka jira Somalia oo uu xusay inay Somalia u horseedi karto xaalad khatar ah.

Dhinaca kale, Dowladda Qatar ayaa cambaareysay Weerarkaasi, waxayna sheegtay inay garab taagan tahay Dowladda Somalia.

Haddal ka soo baxay Wakaaladda wararka ee Qatar, (QNA), ayaa lagu cambaareeyay Weerar kasta oo wax loogu dhimaayo dadaalka Dowladda Somalia ay ku dooneyso inay kusoo celiso Ammaanka iyo degnaan shaha Somalia.

‘’Kala duwanaanta Aragtida iyo diimaha marnaba sabab loogama dhigi karo ficilada Argagixiso’’ ayee tiri Wakaaladda wararka Qatar, oo dhinaca kale ugu baaqday Beesha Caalamka inay sii wadaan Taageerada la siinaayo Dowladda Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii ka dhacay Muqdisho ayaa  waxaa ka bedbaaday wafdi ka socday Dowladda Qatar, inkastoo weerarkaasi ay ku dhinteen dad Rayid ah.

Xigasho:- Qatar News.

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.