Beesha Habargidir/Ceyr oo ka hortimid xildhaanada cusub ee Beeshooda ee la gudbiyey

42

Kulan ballaaran oo ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Waxgarad, Odayaal dhaqameedyo, Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kasoo jeeda Beesha Ceyr ayaa waxa ay kasoo horjeesteen qaabka loo xulay Xildhibaanada beeshaasi ugu mid noqonaya Xildhibaanada cusub ee soo socda.

Kullanka oo ay qudbado kala duwan ay ka jeediyeen Waxgaradkii iyo Odayaal dhaqameeyadii ka qeyb galay ayaa waxa ka hadlay Imaam C/laahi Khaliif Rooble kaasi oo sheegay in Beesha ay waysay Xildhibaanadii ay ku laheyd Dowladda cusub, maadaama uu xusay in uu ku takri falay Cabdi Daahir oo uu xusay in uusan matalin Beesha Ceyr islamarkaana uu la shaqeeyo AL Shabaab oo Caalamka u arko Al-qaacidada Soomaaliya.

Imaam C/laahi Khaliif Rooble ayaa waxa uu sheegay in Beesha Ceyr aysan marna qabaleynin in shaqi uu ku takri falo Xubnihii ay ku lahaayeen barlamanka cusub, wuxuuna ugu baaqay Beesh Caalamka, Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS iyo Madaxda Dowladda in si deg deg ah ay arrintaani wax ugu qabtaan.

Sidoo kale waxaa kullankaasi ka hadlay Nabadoon Max’ud Cali Baare oo loo yaqaano  (Sheekh Daylaaf) kaasi oo sheegay in kalsoonidii lagala laabtay Cabdi Daahir, kaddib markii uu sheegay in uu ku dhaqaaqay musuq maasuq, waxaana uu xusay in loo baahan yahay cadaalad iyo sinnaan in Beesha Ceyr ay wax ku qeebsato.

Kullankaani oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Nabadoon C/laahi Siyaad Cabdi kaasi oo tilmaamay in Xubnaha uu qoray Cabdi Daahir aysan diyaarinin Beesha Ceyr, isagoo ka digay khilaaf iyo murran soo kala dhexgala Beesha Ceyr haddii aarrinkaani aan si deg deg ah waxba looga qaban.

Gaba gabadii kullankaani ayaa waxa khudbado kala duwan ka jeediyay Nabadonno, Odayaal dhaqameedyo, Waxgarad iyo Siyaasiyiinta Beesha Ceyr kuwaasi oo hal dhinaca kaga soo horjeestay qaabka uu wax u Maamulaya Cabdi Daahir oo ay ku eedeeyeen in uu la shaqeeyo AL Shabaab.

Liiska Odayaasha ka qeyb galay kullanka ayaa Magacyadoodu waxa ay kala ahaayeen sida tan….

  1. Imaam C/laahi Khaliif Rooble
  2. Nabadoon Axmed Cabdulle Xasan
  3. Nabadoon Xaaji Xasan Max’ed Ciyaaye
  4. Nabadoon C/laahi Diiriye Cali
  5. Nabadoon Sheekh Max’ud Cali Baare
  6. Nabadoon Aadan Mire Max’ud Ciyow
  7. Nabadoon C/laahi Siyaad Cabdi
  8. Nabadoon Nuur Xasan Dhoore
  9. Nabadoon Cabdulle Cumar Xeyle
  10. Nabadoon C/qaadir Salaad Tarabi
  11. Nabadoon Cumar Sheekh Yuusuf
  12. Nabadoon Yaasiin Diiriye Xalane
  13. Nabadoon Cali Dubad Nuur
  14. Nabadoon Siyaad Warsame Shabeel
  15. Nabadoon C/laahi Siyaad Kheyre
  16. Nabadoon Cumar Mataan Axmed
  17. Nabadoon Max’ed Salaad Cali
  18. Nabadoon Cabdi Sheekh Doon Cali
  19. Nabadoon Xuseen Cosoble Ibraahim
  20. Nabadoon Macalin Cilmi Ilka yare
  21. Nabadoon Cali Macalin Max’ed
  22. Nabadoon Cali Xasan Sahal Bare
  23. Nabadoon Caluun Barqadle Max’ed
  24. Nabadoon Max’ed Xaashi Xasan
  25. Suldaan Cali Cismaan Dheere
  26. Nabadoon C/laahi Axmed Rooble
  27. Nabadoon Cumar Wehliye Dhuxuloow
  28. Nabadoon Xasan Ciyow Jimcaale
  29. Nabadoon Yoonis Xuseen Max’ud
  30. Nabadoon Cadceed Warsame Jikre
  31. Nabadoon Khaliif Cismaan Max’ud
  32. Nabadoon Sheekh Axmed Cabdulle
  33. Nabadoon Cirro Sheekh Axmed Sheekh Cabudlle
  34. Nabadoon Khaliif Cali Seeraad Ciise
  35. Nabadoon Cismaan Cabdulle Axmed
  36. Nabadoon Xasan Faarax Axmed
  37. Nabadoon Max’ed Cali Nuur
  38. Nabadoon Xasan Yuusuf Ibraahim
  39. Nabadoon C/raxmaan Max’ud Ciyow
  40. Nabadoon Daahir Max’ed Xeyle
  41. Nabadoon Liibaan Daahir Warsame
  42. Nabadoon C/qaadir Faarax Iidow
  43. Nabadoon Aadan Keynaan Xuseen
  44. Nabadoon Max’ud Jimcaale Waa-dhowr
  45. Nabadoon Axmed Xasan Gureey
  46. Nabadoon Xasan Cosoble Ibraahim
  47. Nabadoon Xuseen Nuur Faarax
  48. Nabadoon Tahliil Max’ud Ibraahim
  49. Nabadoon Cali Cismaan Max’ud
  50. Nabadoon Cabdi Axmed Wariiri
  51. Nabadoon C/laahi Cali Cawaale

Oo dhamaantooda ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka  ka qeyb galay Kullanka maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Beesha Ceyr oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed

Xafiiska Warqabadka Idalenews Mogadishu
waxaa  qoray
Siyad Macalin Axmed
email: siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.