Wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho ayaa markale dib loo xiray maanta.

Dowlada Federalka ayaa dib u xirtay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho kadib markii shalay qarax ay dad badan ku dhinteen uu ka dhacay isgoyska Lambar 4 ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan ayaa sheegay in la xiray wadada Maka Al-Mukarama oo kaliya, waxana uu guddoomiye ku xigeenka sheegay in loo xiray sidii loogaga hortagi lahaa in ay soo laabato dhacdadii shalay ay dadka rayidka ah khasaaraha ka soo gaaray ee ka dhacay isgoyska Lambar 4 ee magaalada Muqdisho,

Gaadiidka dadweynaha ayaa waxa ay marayaan gudaha xaafada Waaberi maadaama aysan mari karin wadada halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Maka Al-Mukarama.
Goobaha ganacsiga ee ku dhinac yaal wadada Maka Almukarama ayaa albaabada loo laabay iyadoo la arkayo ciidamo badan oo ku sugan wadada hareeraheeda.
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa dib loo furay Sabtidii kadib markii ay xirnaayeen muddo afar maalmood ah sababo dhinaca ammaanka lagu sheegay. Hase ahaatee shalay ayaa weerar is miidaamin ah oo ka dhacay isgoyska lambar 4 waxaa uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Idale News Online Mogadishu