Qabanqaabada Mudaaharaad looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh oo London ka socda

47

Urur lagu magacaabo Sahal oo kaashanaaya qeybaha kale ee bulshada ku nool dalka Ingiriiska isla markaasna si aad ah uga soo horjeeda ama aan la dhacsanayn qaabka shaqo ee dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay qabanqaabo uga jiraan iney mudaaharaad ku muujiyaan cabashadooda ku aadan sida aysan ula dhacsaneyn maamulka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

mudaaharaad1

Ujeedada mudaharaadkooda ayay qabanqaabiiyaashu ku sheegeen muujinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iney muqadas tahay, cambaaraynta shirkii Ankara ee dowlada Somalia iyo Somaliland, eexda iyo kala qaybinta ay wado dawlada Turkigu, ku dhaqan la’aanta dastuurka Fadaraaliga ah, Ku tumashada Nidaamka Awood qeybsiga dowladu ku dhisan tahay, iyo kuwa kale

Dadka Mudaaharaadka dhigaayo oo kala gedisan ayaa koox weliba waxay tabaneysaa cabasho u gaar ah oo ay kaga soo horjeedo dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana Madaxweynaha soo wajihi doona su’aalo kaga yimaada saxaafada caalamka iyo kuwa gudaha sida uu u maareyn lahaa cabashada iyo diidmada maamulkiisa kaga imaaneysa qeybaha kala duwan ee  goboladada  iyo maamulada dalka Soomaaliya ka jira ee aan maamulkiisa ka shaqeyn.

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.