Taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliiska oo maanta la dhaarshey + Sawiro + Faalo

31

Xaflad ka dhacdey Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa galabta lagu dhaariyay Taliyaasha Cusub ee Hay’adda Nabad Sugida Qaranka iyo Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed.

Labada Masuul ee maanta la dhaariyey ayaa labaduba waxay horey ugu tirsanaayeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Jeneraal Saacid, waxaa uu ciidanka ku soo biirey 1980kii, waxuuna darajada ka bilaabey Sarkaal Xidigle isagoo xiligaas ka mid ahaa ardeydii aan dhameysan dugsiga sare ee lagu xareeyey Kuliyada Tababarka Jaalle Siyaad halkaas oo uu 2 sano ka dib helay darajadiisa ugu horeeyey ee HAL Xidigle sanadkii 1982dii, ka dibna waxa uu ka soo shaqeeyey Gobalka Waqooyi Galbeed caasimadiisa Hargeysa xiligii uu Morgan halkaas ka talinaayey, markii dambena waxuu dib ugu soo noqdey Magaalada Muqdisho isagoo ka mid noqdey saraakiisha ka shaqeyneysey laanta Canshuuraha Booliiska ama Turbataariyo, “xarun u dhow Dekada Weyn ee Magaalada Muqdisho”. Markii ay dagaalada dhaceen Jeneraal Saacid waxa uu ahaa Kabtan ama 3 Xidigle.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska ayaa dagaaladii sokeeyey ka dib ku noolaa dalka dibadiisa, waxaana isweydiin mudan sida ay ku dhacdey inuu gaaro ilaa Jeneraal gaaban oo dalka in badan aysan wax dowlad ah ka jirin, marka laga soo bilaabo dowladii cabdiqaasim 2001dii ilaa dowladii kmg aheyd ee ugu dambeysey oo loo aaneynaayo iney dalacaad aan loo aabo yeelin siiyey cida ay doonaan iyadoo aan wax nidaam ah loo raacin.

Sareeyo Guuto Bashiir waxuu ahaa tabaro iyo sakaal darajadiisu aheyd markii ay dagaalada sokeeye dalka ka bilowdeen MINJIR ama Gaashaanle.  22 sano ee dagaalada sokeeyey jireen waxuu ciidanka ka gaarey ilaa sareeye guuto taasoo ah shakiga ay dad badani qabaan cida bixisa dalacaada degdeg ah ee 22kii sano ugu dambeeyey la baxshey.

DSC08657

Munaasabada dhaarinta ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuna sheegay maanta in la samaynayo mid kamid ah unugyada dhismaha Dowladda.

Intii ay Munaasabadu socotay ayaa waxaa halkaasi ku dhaariyay Labada Taliye Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Avv Caydiid Ilka Xanaf.

 DSC08657 DSC08659 DSC08673 DSC08677 DSC08684

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.