Hawlgal ballaaran oo rag iyo hub lagu soo qab qabtay oo ay fuliyeen Ciidamada Dowladda

28

hawlgal

Ciidamada Dowladda ayaa waxay meel kasta ay jooggaan ay weli wadaan hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, oo iyagu ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Booliska ee Magaalada Baladweyne ayaa waxay maanta hawlgalo ballaaran, ay ka fuliyeen laba kamid ah Xaafadaha ku yaala Magaalada Baladweyne, kuwaa oo kala ah Hawl Wadaag iyo Oktoobar.

Hawlgalkaan ayaa waxay Ciidanku ku soo qab qabteen rag la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab iyo hub, ay ku heysteen guryo ku yaala goobaha hawlgalada laga fuliyay.

Saldhiga Booliska ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu xiray ilaa shan nin oo dhalinyaro ah, oo hawlgaladaan lagu soo qab qabtay.

Raggaan ayaa waxaa su’aalo lagu weydiinayaa Saldhiga Booliska ee Magaalada Baladweyne, waxaana la doonayaa in laga helo xog dheeraad ah.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu sheegay inay sii socon doonaan hawlgalada ballaaran ee ka soconaaya Magaalada Baladweyne, waxayna sheegeen in hawlgalada lagu suggaayo ammaanka Baladweyne.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.