David Cameron oo soo saaray fariin Video oo ugu hadlayo shirka Londan (Daawo)

26


Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa baahiyay fariin hordhac u ah shirka Londan ka furmaya 7-da bishan ee lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya, kaasoo ay si wada jir ah u shir guddoomin doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mr. Cameron.

Halkan kadaawo

[vsw id=”4SCQXNF2l08″ source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Wuxuu Ra’iisul Wasaare Cameron ayaa sheegay in ujeedadii shirkii hore ee Londan lagu qabtay uu ahaa in lagu hirgeliyo taageerada Soomaalida si ugu soo gudubto dhibaatadii dheereyd ee dagaalada iyo macluusha ee soo marta.

12 bilood kadib ayuu sheegay in wixii ay ka rajeynayeen shirkii sanadkii hore lagu qabtay Londan uu la helay isagoo tusaale u soo qaatay doorashadii Madaxweynaha ee Baarlamaanka doortay, kadibna soo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub.

David Cameron wxuu fariintiisa ku sheegay in shirka Londan ay wada shir guddoomin doonaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo isaga, isla markaana rajadiisa tahay in ay kasoo baxaan qorshe dib loogu dhisayo dalka, ciidamada, garsoorka iyo horumarka kale.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay Ra’isul Wasaare Cameron in Britian aysan ogolaan doonin dib loogu noqdo wixii Soomaaliya ay soo martay mudadii nidaam la’aanta, ayna ka shaqeynayaan sidii horumar iyo amaan loo gaarsiin lahaa Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.