Gudoomiyihii Gobalka Hiiraan Abdifataax Xasan Afrax oo loo magacaabey Qunsulka Soomaaliya ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabia

51

AFRAXDowlada Soomaaliya ee uu hogaanka u haayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay qunsulka Soomaaliya u magacowdey gudoomiyihii xilka laga qaadey ee Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax. Madaxweynaha ayaa heshiiskaas uu la galey C/fataax ay ka dambeysey ka dib markii uu si nabadgelyo ah ugu wareejiyey xilkii uu haayeyee gobolka gudoomiyaha cusub ee ay dowladdu u magacowdey gobolkaas.

 

Dhowaan ayay aheyd markii uu Dowlada Soomaaliya ay safiir u magacowdey Sanbaloolshe oo isla gobolka Hiiraan ka soo jeeda inuu noqdo safiirka Soomaaliya wakiilka uga ah dalka Ingiriiska

 

Shaley ayey aheyd markii cabasho ay ka timid qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed kuwaasoo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheek Maxamuud ku eedeeyey in xilalkii muhiimka ahaa ee dowlada uu u magacaabo shaqsiyaad iyo beelo gaar ah, taaasoo ay sheegeen in ay tahay cadaalad daro iyo in madaxweynuhu hareer marey nidaankii awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee lagu soo dhisey dowladda hadda jirta.

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.