Waxgaradka Beelaha Digil iyo Mirifle oo garab istaagey go’aankii Xildhibaanada DM, Sheegayna in Madaxwayne Xasan ku fashilmay cadaalad u samaynta qabaa’ilaadka Soomaalida

52

awood Qeybsiga

Dhamaan waxgaradka beelaha Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibadiisa  ayaa ku dhaliiley Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu iska indha tiraayo nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed iyo inuu si siman oo cadaaladi ku jirto qabaa’ilka Soomaalaayeed ugu qeybsho  xilalka sare iyo kuwa muhiimka ee dalka. Waxgaradku waxay sidoo kale garab istaageen go’aankii xildhibaanadu ka qaateen mowqifkii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Saacid ku gaareen in lagu tunto sharciyada awood qaybsiga  Somalida ku soo heshiisey.

injustice

Waxgaradku waxay si cad u sheegeen in dalku uusan ka jirin xisbi siyaasadeed oo sharciyeysan, balse ummadu ay ku soo heshiisey dastuur qabyo ah iyo nidaamka awood qeybsiga 4.5 ama 5ta beelood. Mana jiraan ayey yiraahdeen meel lagu bedeley ama looga guuray nidaankaas lagu soo heshiiyey.

Waxay waxgaradka beelweynta digil iyo mirifle ku eedeysey madaxweynaha Federaalka Soomaaliya in la lunshey saamiga beelaha iyadoo  xilalkii muhiimka ahaa ee dowlada Soomaaliya si gaar ah loogu magacaabey shaqsiyaad beelo gaar ah ka soo jeeda, taasoo ka soo horjeeda cadaalada iyo sharciyada ummadda Soomaaliyeed ku soo heshiisey.

Waxgaradku  waxay ummadda Soomaaliyeed u cadeynayaan in marnaba beelahooda dooneyn sadbuursi balse rabaan in waxa ummadda Soomaaliyeed xiligaan ku heshiisey la ixtiraamo isla markaasna si siman oo cadaalad ku jirto awood  qeybsiga loogu dhaqmaa iyadoo la hubo in beel kastaa laga heli karo aqoonyahano leh quality ama karti iyo aqoon ay ku gutaan xilka dalka iyo dadkaba ka sugayaan. Waxayna ugu dambeyntii ka digeen in aan la horseedin waxa alla waxii kala dhantaali kara midnimada isla markaasna burburin kara dowlada Federaalka Soomaaliya sida nin jecleysi, qabiileysi, eex iyo is-kooxeysi

Ugu dambeyntii waxay sheegeen in sida loogu tuntey nidaamka awood qabsiga dalka jecleysteen in soo bandhigaan hay’ada dowlada ee  muhiimka ee dowladada  kuwaasoo beelo qaas ah loo hibeeyey marka laga tago xubnaha barlamaanka iyo golaha wasiirada:

5ta Kaabayaasha Dhaqaalahaha

  1.  Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka    ————- Hawiye/Murursade
  2. Garyaqaanka Guud ee Qaranka          ————-Beesha 5aad/Jareer Wayne
  3. Xisaabiyaha Guud ee Qaranka           ————-Hawiye / Xawaadle
  4. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ————— Dir
  5. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya        ————- Dir/Gadubuursi

Guddiyada Qaranka (Commissionka)

  1. Guddiga Shaqaalaha Qaranka ———– Hawiye/Murursade
  2. Guddiga Dastuurka Qaranka  ———– Dir
  3. Guddiga Dib U Heshiisiinta    ———-Hawiye/Abgaal

Xoghayeyaasha Guud ee Wasaarada (Permemant Secretary)

  • P.S: Wasaarada Arrimaha Arrimaha Dibedda —> Reer Baraawe/Beesha 5aad  (Asharaaf Reer Xamar)
  • P.S: Wasaarada Gaashaandhigga ——————————————————(Hawiye/Abgaal)
  • P.S: Wasaarada Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta    ——————– Lama Hubo
  • P.S: Wasaarada  Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.———————— (Hawiye/Xawaadle)
  • P.S: Wasaarada Maaliyadda & Qorsheynta —————————————–(Hawiye/Abgaal)
  • P.S: Wasaarada wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo Dalxiiska )
  • P.S: Wasaarada Khayraadka Dalka (Macdanta  iyo Biyaha, Petrolka, Beeraha, Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo deegaanka)
  • P.S: Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska, Gaadiidka badda, Dekedaha, Korontadda iyo Tamarta)- Hawiye/Abgaal
  • P.S: Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, ———————————– Dir/Isaaq
  • Wasaarada Horumarinta Adeegga Bulshada (Caafimaadka, Waxbarashada, Hiddaha, Dhalinyarada & Sportiga, Haweenka) —Beesha Direed

Agaasimeyaasha Waaxaha 10ka Wasaaradood: Marka laga reebo hal wasaarad inta kale kuma saleysna saamsiga beelaha iyo awooda qeybsiga dalka.

Taliyaasha Ciidamada

  1. Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ———— Hawiye/Shiiqaal
  2. Abaanduulaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ————– Daarood/Mareexaan
  3. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ————— Daarood/LeylKase
  4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaalyeed ————— Dir/
  5. Taliyaha Nabadsugida Qaranka               —————— Beesha 5aad
  6. Taliaha Ciidanka Badda Soomaaliya   —————— Hawiye

 

Safaarada Soomaaliya ee dalalka dibada: 40 Safaaradood

Marka laga reebo (5) safaaradood oo kala ah: Turkey, Uganda, Malaysia, South Africa iyo Kuwait inta kale waa sadbuursi iyo eex dad lagu geeyey kumana saleysna awood qaybsiga beelaha Soomaaliya ee lagu heshiiyey.

Waxgaradka Beelaha Digil iyo Mirifle waxay sheegeen in muran uusan ku jirin in beelaha dega gobolka Banaadir ay heli karaan awood dheeri ah marka laga hadlaayo 13ka degmo ee gobalka Banaadir iyo Saldhigyada Booliiska Gobalka Banaadir, balse hay’ada kor aan ku tilmaaman lagu saleeyo saamiga awood qeybsiga ee dowlada lagu soo dhisey.

Idale News Muqdisho

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.