Uhuru Kenyatta oo sheegay inuu ka qeybgalaayo Shirka Soomaalida ee Landon

31

hh

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu ka qeyb galayo Shirka Soomaalida uga furmaayo Magaaladda London ee Cariga Dalka Britain.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta,ayaa waxa uu Casuumaad Rasmi ah ka helay Xafiiska guud ee laga hago Arrimaha siyaasadda Dibadda ee dowladda Britain, waxaana la filaaya in Madaxweynuhu u ambabaxo maalinta nagu soo began Magaaladda London.

Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu kaalin buuxda ka qaadan doono wax ka bedelka Siyaasadaha looga hadli doono Shirka London wuxuuna ka shanqariyay in Dowladda Kenya ay diyaar u tahay ka qeybqaadasha Horumarinta Somalia.

Shirkaasi looga hadlaayo arrimaha Soomaliya ayaa 7da Bisha May ka furmi doono Magaalada Landon ee xarunta dalka Britain,iyadoo ay ka soo qeyb gali doonaan wakiillo ka socdo Beesha caalamka gaar ahaan UN-ka iyo  Urur Goboleedka  IGAD .

Si kastaba ha ahaatee, waxaa Dalka Britain si xooli ah ugu qulqulayo Wufuud Caalami ah oo ka kala socta Beesha Caalamka iyo Dowladaha Xiriirka la leh Somalia.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.