Howlgal lagu soo qabtay ku dhowaad boqol qof iyo Walxo qarxa oo laga sameeyey magaalada B/weyne + Sawirro

43
In ka badan lix dhallinyaro ah ayaa maanta laga qabtay magaalada B/Weyne kaddib markii ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ay howlgallo ka sameeyeen magaalada B/Weyne, iyadoo dhallinyaradaasi la dhigay xabsiga saldhigga magaaladaasi halkaasi oo lagu bilaabay baaritaanno la xariira dembiyada lagu soo eedeeyay.
IMG_9377Wararka waxay intaasi ku darayaan in howlgalada ay ka qeyb qaateen ciidamada ka socda Dowladda Jabuuti ee ka tirsan AMISOM, kuwaasi oo iyagu isku gadaamay hareeraha goobaha ay ka socdeen howlgalada.

Sidoo kale degaano kale oo ka tirsan magaalada B/Weyne ayaa waxaa maanta howlgallo kuwaan la socda waxaa iyana ka fulinayay ciidamada Dowladda Itoobiya, kuwaasi oo iyagu bixiyay macluumaadka lagu soo qabqabtay lixda dhallinyarada ah oo sheegaya caddeymo la xariira in dhallinyaradani ay ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dhallinyarada B/Weyne laga soo qabqabtay ayaa la sheegayaa inaysan wadan wax hub ah ama walxaha qarxa, iyadoo iminka baaritaano dheeraad ah loogu jiro halka ay dhigteen qalabkii ay wateen.

IMG_9338
IMG_9339
IMG_9340
IMG_9341
IMG_9342
IMG_9345
IMG_9346
IMG_9347
IMG_9348
IMG_9350
IMG_9354
IMG_9357
IMG_9363
IMG_9368
IMG_9370
IMG_9372
IMG_9375
IMG_9379
IMG_9380
IMG_9382
IMG_9385
IMG_9387
IMG_9395
IMG_9399
IMG_9400
IMG_9401
IMG_9402
IMG_9416
IMG_9418
IMG_9423
Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.