Daawo Sawirada: Boostadii Somaliya oo shaqo bilowday iyo Madaxweynaha oo noqday qofkii ugu horeeyay oo wax loogu soo diray

29

jaw41

Boostada Soomaaliya ayaa waxaa shaaca laga qaaday inay hawl bilowday muddo 22 sano kadib, iyadoo uu hakad ku yimid hawlihii shaqo ee Boostada, xilligii uu dalka ku jiray dagaaladii sokeeye.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay oo wax loogu soo diro Boostada.

Madaxweynaha ayaa waxaa waraaqado loogu soo diray Boostada Soomaaliya, oo si rasmi ah u shaqo bilowday, iyadoo uu Madaxweynaha hawshaan ku ammaanay C/laahi Ciilmooge Xersi.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi, ayaa wuxuu maanta uu Madaxweynaha uu waraaqadaha uu ku gudoon siiyay Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdigiisa ayaa waxay maanta dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho, markii ay shir uga qeyb galeen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
jaw41
jaw41
jaw44
jaw45

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.