(DAAWO SAWIR). FBI-da Maraykanka oo markii ugu Horaysay Haweeney ku daray Liiska 25-Qof ee Argagixisada loogu raadinta badan yahay

48

Laanta dambi barista Dowladda Maraykanka u qaabilsan (FBI), ayaa Liiska shan iyo labaatanka qof ee argagixisada loogu raadinta badan yahay ugu horeeya, ku dartay haweenay dhalasho ahaan u dhalatay waddankaas, taas oo sida la sheegay wakhti hore gashay danbi ka dibna dalkaas ka baxsatay.

Liis Jimcihii ay (FBI)-du soo saartay, ayaa lagu daray haweenaydan oo lagu magacaabo Joan Chicemard, dadka badankooduna u yaqaaneen, Asata Shakur, waxaanay haweenaydani muddo afartan sanadood laga joogo toogasho ku dishay mid kamid ah Boliska dalka Maraykanka, ka dibna waxa ay u baxsatay dalka Kuuba sida la rumaysan yahay.

Haweenaydan ayaa ka tirsanayd Jabhadii xoraynta dadka Madow ee dalka Maraykanka, ee lagu Magacaabi jiray, (Black Liberation Army), taas oo dagaal lagu xoraynayo dadka Madow la gashay Maraykanka todobaatanaadkii qarnigii hore.

Haweenaydan ayaa ku eedaysan inay toogasho ku dishay mid ka mid ah Boliska magaalada New Jersey ee (Waqooyiga Bari dalka Maraykanka) Bishii May labadeedi sanadkii 1973, Wakhtigaas oo dilkaas sida la sheegay ay la fuliyeen laba qof oo aan iyaga la aqoonsan.

Chicemard, ayaa la qabtay sanadkii 1977-kii, waxaana lagu eedeeyay dilka askarigaas, waxaanay maxkamad ku taala dalka Maraykanku ku xukuntay Xabsi inta nolosheeda ka hadhsan ah, Hasa yeeshee laba sanadood ka dib ayay ku guulaysatay inay ka baxsato xabsigii lagu hayay.

Markii ay ka baxsatay jeelka ayaa la waayay meel ay gashay raq iyo ruux, Hasa yeeshee waxa la ogaaday sanadkii 1984, oo ku beegnayd shan sanadood ka dib markii ay xabsiga ka baxsatay, Wakhtigaas oo ay dhaq dhaqaaqeeda dib uga bilowday dalka Kuba, halkaas oo ilaa wali looga shakisan yahay inay ku nooshahay, sida ay aaminsan tahay (FBI)-du.

Haweenaydan oo noqonaysa qofkii labaad ee dhalashadiisu Maraykan tahay ee lagu daro, liiska shan iyo labaatanka qof ee argagixisada ugu halista badan ee loogu raadinta badan yahay, ayaa malaayiin dollar oo abaal marin loo siinayo cidii soo sheegta iyo qofkii madaxeeda keena, laanta daba galka danbiyada Maraykanka, (FBI) iyo maamulka Gobalka New Jersey mid walba dhiniciisa ugu balan qaaday, laakiin waxa jira sira la aaminsan yahay tobabaan kale oo dad Maraykanku raadinayo ah oo ku nool dalka Kuuba sida(FBI)-da Lafteedu sheegtay.

DAAWO SAWIRADDA:-

u_98471d_2013-5-4-6-54-13f_37395_1_1

u_98471d_2013-5-4-6-55-15f_terrorist

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.