M.C.H laga furay dagmada Walaweyn

55

 

Hay’adda Wardo ayaa dagmada Walaweyn ka furtay M.C.H loogu talagalay in lagu daweeyo hooyada iyo dhalaanka iyadoo maamulka dagmada ay soo dhaweyeen furitaanka xarunta caafimaad.

Xafladii lagu furayay M.C.H-ka dagmada Walaweyn ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta maamulka dagmada xubno ka socday hay’adda Wardo iyo shacab.

Maamulaha hay’adda Wardo Maxamed  Amiin oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in furitaanka M.C.H-ka uu yimid kadib markii ay arkeen baahiyaha caafimaad daro ee haysto haweenka iyo dhalaanka ku dhaqan dagmada.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee degmada Walaweyn Abuukar   Cabdi  Cali  ayaa xusay in furitaanka xarunta cusub oo lagu daweynayo haweenka iyo dhalaanka ay tahay mid wax weyn ka badaleyso xaalada caafimad daro  ee haweenka iyo carruurta isagoona intaasi ku daray in ay si weyn u soo dhaweynayaan.

Furitaanka M.C.H-kan cusub ee laga furay dagmada Walaweyn ayaa imanayaa xilli dagmadaasi ay ka jirtay baahiyo caafimaad.

Idale News Online Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.