Dowladda Britain oo beenisay inay dalka Kenya hoy uga dhigayaan Magangelyo-doonka

40

aa

Dowladda Britain ayaa gaashaanka ku dhufatay Warar ay Saxaafadda qoreen oo ku saabsanaa inay Dowladda Britain kharaj ku siinayso Dowladda Kenya qorshe hoy loogu samaynayo Qaxootiga magangelyo-doonka inta codsiyadda laga dhamaystirayo.

Madaxa Guddiga Sare ee Britain u jooga dalka Kenya, John Bradshaw ayaa beeniyey hadalka lagu qoray Wargeyska Daily Nation ee Kenya, kaasi oo horey u daabacay in Qaxootiga Soomaalida ee magangelyadda ka codsada dalka Britain lagu hayn doono dalka Kenya ilaa laga dhamaystirayo lagana oggolaanayo Codsiyadooda.

Ergayga waxa uu sheegay inaysan haba yaraatee jirin qorshahaasi, oo asal ahaan laga soo xigtay Qoraal ay Xildhibaanno ka tirsan Barlmaanka Britain u soo gudbiyeen Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Britain, David Cameron.

“Warkaasi waa mid talo ahaan lo soo jeediyey, laakiin Xukuumadda Britain wax qorshe ah uguma jiro inay Qaxootiga guryo ay ku magangalaan looga dhiso Kenya” ayuu yiri John Bradshaw oo intaa ku daray inay Mudanayaasha Barlamaanka xor u yihiin Aragtidooda, balse Aragtidooda ahayn mid Siyaasadda Xukuumadda ka turjumayo.

Xigasho:- Daily Nation

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.